Dalalka Afrika Oo Saxeexaya Heshiis Ay Ku Samaysanayaan Suuq Xor Ah

Qaahira, (SLpost)- Saddex urur gobolleed oo Afrikaan ah ayaa la filayaa inay samaystaan suuq xor ah oo noqonaya kn ugu weyn qaaradda.African business

Urur gobolleedka horumarinta bulshada Koonfurta Afrika (SADC), ka horumarinta bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo COMESA, ayaa la filayaa inay maanta dalka Masar ku saxeexaan heshiis ay ku samaysanayaan urur ay ku midaysan yihiin.

In ka badan 600 oo milyan oo dad Afrikaan ah, ayaa la rajaynayaa inay ka faa’iideystaan marka la hirgeliyo heshiiskan sannadka 2017-ka.

Saraakiisha ganacsiga ee kulanka ku leh dalka Masar ayaa ku dedaalaya sidii ay ku dhamaystiri lahaayeen heshiiska, oo la sheegay inay u dhiman tahay oo keliya saxeex, kaasoo arbacada maanta la dhamaystirayo.

Maanta marka la saxeexo heshiiska ayaa waxa la hor gayn doonaa kulan madaxeedka Midawga Afrika ee dabayaaqada toddobaadkan ka dhici doona dalka Koonfur Afrika.

Marka lasoo gebogebeeyo heshiiskan, suuqa xorta ah ee Afrika ayaa noqon doono ka ugu weyn ee ay qaaraddu yeelato, isla markaana ay ku midaysan yihiin 26 dal.

Ujeedada ayaa ah in meesha laga saaro caqabadaha ganacsi ee hortaagan inta badan alaabaha u kala gudba dalalka Afrika, oo qiimahooda lagu qiyaasay lacag dhan hal bilyan oo doolar.

Si kastaba, heshiiska ayaa u baahnaan doona inay ansixiyaan baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ka hor inta aan la meel marin.

Arrinta is-dhexgalka gobollada Afrika ayaan ahayn mid cusub.

Nus qarnigii lasoo dhaafay dawladdaha Afrika ayaa ka xaajoonayay sidii ay u xoojin lahaayeen is-dhexgalka ganacsi ee qaaradda.

Waddooyinka aan wangaasanayn, jidadka tareenada iyo shirkaddaha diyaaradaha oo liita ayaa caqabad ku ah isu socodka alaabaha ganacsi ee qaaradda.

Sidoo kale dalal badan oo Afrika ku yaalla ayaa difaaca wax soo saarka warshadahooga yar yar.

Somalilandpost.net