Afhayeenkii Xusbiga UCID Ee Gobolka Saaxil oo Ciidamada Booliska Berbera Xabsiga u taxaabeen

Berbera (SLpost)- Afhayeenka Xisibga UCID Ee Gobalka Saaxil Mr Bootaan Guuleed Axmed Oo Kamida Mujaahidiin u soo Halgantay Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland Kana Mid ahaa Musharixiintii u Sharaxnaa Golaha Degaanka Degmada Berbera ayaa Maanta Ciidamada Booliska Somaliland Ee Gobalka Saaxil ay Xabsiga U Taxaabeen Waqti uu u Socday Hoygiisa Oo Ku Yaala Magaalada Berbera
sawirka botaanMuj. Bootaan Guuleed Axmed  Oo Haatan Kamida Masuuliyiinta Heer Gobol Ee Xisbiga Cadaalada UCID Ayaa Booliska Sida La Sheegeen Ay  Ku Xidheen Xabsiga Dhexe Ee Berbera Waxaana Xadhigiisa Lala Xidhiidhinayaa Shir Jaraa’id Oo Bootaan Ku Qabtay Magalada Berbera Taasi oo uu Ku Durayay Hanaanka Maamul Ee Gobalkaasi Saaxil Siiba Maamulka Dakkada Berbera
Sidoo Kale Shirkii Jaraa’id Ee Shalay ayaa Afhayeenka Xisbiga UCID Ee Heer Gobol Uu Eedayn Dusha ugu Tuuray Maamulka Gobalka Saaxil Kaasi oo Saluugay Habacsanaanta Maamul Ee Dul Hoganaysa Maamulkaasi
Ilaa Haatan Ma Jiraan Warar Rasmi ah oo Kasoo Baxaya Booliska Iyo Dhinaca Maamulka Gobalka Balse Ilaa Imika Mujaahid Bootaan ayaa Waxa Ku Xidhan Yahay Xabsiga Dhexe Ee Berbera

Somalilandpost
Hargaysa