Afhayeenka Xisbiga Waddani Buubaa oo Ka Hadlay Khilaafka La Sheegay Inuu Ka Dhexeeyo Xoghayaha xisbigaas Boobe

Hargeysa(SLpost)-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay in aan wax khilaaf ah ka dhextaagnayan isaga iyo xoghayaha warfaahinta ee xisbigaas Boobe oo mudooyinkii ugu danbeeyay warbaahintu qoraysay inuu khilaaf dhex yaalo.

Waxa uu xildhibaan Ibraahin ku eedeeyay in xisbiga Kulmiye uu ka danbeeyo wax uu ugu yeedhay buunbuuninta arintaas, waxaan isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa jiray inay xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisuba ay habaar la daba taagnaayeen xisbiga Waddani, khilaaf ayaa ka jira oo guddoomiyaha iyo afhayeenka ayaa is haysta, xoghayaha warfaafinta oo Boobe ah iyo afhayeenka ayaa is haysta, waxaanu sheegaynaa in aana borobogaanadadaas diciifka ah wax ka jiraa jirin, ma noqon doono dad ay saamayn ku yeelato isla markaasna wakhti iskaga lumin maymo arimahaas beenintooda iyo ka hadalkooda. ma jiro haba yaraatee wax khilaaf ah oo xisbiga Waddani dhex yaala, shirwaynahoodana wax khilaaf ah oo ka taagan ma jiro, waa xisbi dhidibo adag ku taagan oo nidaam iyo xeer lagu kala baxo leh.”