Afhayeenka Urur-diimeedka Xisbullaah oo ka Hadlaya Xadhigga Hoggaamiyaha ururka

Hargeysa, (SLpost)- Cali Cumar Maxamuud oo sheegtay inuu yahay Af-hayeenka Urur-Diimeed dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay oo la magac-baxay Xisbullah, ayaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururkaas oo Axaddii toddobaadkan Ciidammada Booliska Caasimaddu Xabsiga u taxaabeen.

Wadaadka isku magacaabay inuu yahay Afhayeenka Urur-Diimeedka lagu magacaabo Xusbullah oo shalay warbaahinta u soo diray qoraal uu kaga hadlay Xadhigga Guddoomiyahooda Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, ayaa sheegay in Ururku cambaaraynayo xadhigga Wadaadkooda. Qoraalka war-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Marka hore waxaanu aad uga ka xunnahay xadhiga loo geystay guddoomiyaha xisbullah Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo haba yaraatee aan lagu hayn illaa haddana aan lagu soo oogin wax dembi ah oo uu galay. Waxaanan hore u sheegnay immikan sheegaynaa in ururku uu ku baaqayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kaasi oo aan wadin wax khal-khal iyo khilaaf ah. Sidoo kalena in ururkani aanu hubaysnayn, isla markaana cidna aanu ku xidhnayn Illaahay mooyee.

Haddaba, isagoo warkayagu sidaa u cad yahay ayaa waxaannu aad uga xunnahay Xadhiggaasi lagula kacay Sheekha waxaanan u aragnaa mid xad-gudub ah oo cadaaladda ka fog. Waxaanan Xukuumadda ugu baaqaynaa in si deg-deg ah xorriyaddiisii loogu soo celiyo Sheekha. Ugu dambayntii haddii aanu nahay Xisbullaah waxaanu leenahay waar ma waxaa dembi noqotay Kitaabka Illaahay ha la isku xukumo?”

Si kastaba ha ahaatee, Urur-Diimeedka Xusbullah oo toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay Hargeysa, ayaa dadweynaha reer Somaliland dareenno kala duwan ka bixiyeen, ka dib markii uu Guddoomiyaha Ururkaasi Sh. Maxamuud Cabdillaahi Geelle, shaaciyey in Ururkoodu aanu ahayn Urur-siyaasadeed, isla markaana ka qaybqaadan doonin wax doorasho ah oo Somaliland ka dhaca, hase ahaatee, ay si toosa ula wareegi doonaan talada iyo hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Wadaadku xaaraan iyo wax Diinta Islaamka ka soo horjeeda ku tilmaamay Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo bulshadu 97%-kiiba haa ugu codaysay.

Sheeh Maxamuud oo intii aan la xidhin dhawr jeer Saxaafadda ka hadlay, ayaa ku hanjabay inaanu Ururkoodu u joogsan doonin xadhig iyo hanjabaad toona, isla markaana waxa uu eedaymo badan u jeediyey dawladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo uu sheegay inay fadhiid tahay, halka uu Xukuumadda kaga tilmaamay mid daba-dhilif u ah Gaalada. Sidaa daraaddeed, ayaa la sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland bixiyey amarka lagu soo xidhay Sheekh Maxamuud oo Ururka uu ku dhawaaqay looga shakiyey inuu xidhiidh la leeyahay Ururrada Xag-jirka ah, sida Al-Shabaab iyo Al-qaacida.

Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, intuu uu xidhnaana waxa uu Weriyeyaal booqday u sheegay in dawladda Somaliland iyo maammullada Soomaalidu guud ahaanba ay u adeegaan Gaalada, isla markaana ka soo horjeedaan Diinta Islaamka, isaga oo xadhiggiisa ku eedeeyey inay ka dambeeyeen Maraykanka, Itoobiya iyo Ingiriiska  oo uu xusay in Sirdoonkoodu Somaliland ka codsaday in gacanta lagu dhigo isaga.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net