Afhayeenka al-Shabaab Cali Dheere oo Sheegay sababta ay Xildhibaanada Somalia u dilayaan Kuna Hanjabay In intaa Laga Hadheyn dilkoodda

Somalia (SLpost) Afhayeenka Ururka al-Shabaab Shiikh Cali Cali Dheere ayaa faah-faahin ka bixiyey sababta ka danbeysa oo dilalka ay u geysanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

calisheere

Cali Dheere oo waraysi siinaayey mid kamid ah warbaahinta al-Shabaab ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay isu yaqaanaan Sharci-dejiyaal, waxay sameeyeen sharci la isku xukumo waxayna diideen in la isku xukumo kii Rabbi ayuu yidhi Cali Dheere, taasna waa sababta u weyn ee ay ku muteysteen in la dilo.

Cali Dheere ayaa ku goodiyey in ay sii wadayaan dilalka isdaba jooga ah ee ay ku hayaan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana oo malayshiyaadka taabacsan ururkiisa ugu baaqey in aaney meelna ku cafin Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Ha ogaadeen in aan meelkasta ugu imaaneyno, AMISOM nagama kiin celin karto iyaga ayaan ku weerarney Madaxtooyada oo ka dilney taliye ku-xigoonkoodi, meelkastana waan idiinku imaaneynaa ayuu yidhi Cali Dheere.

Labadii maalmood ee la soo dhaafey ayaa laba Xildhibaan lagu diley magaalada Muqdisho taas oo aan cidna loo soo qaban, Dilalkan ayaa wel-wel ku abuurey Xildhibaano badan kuwaas oo qaarkood ay iskaga baxeen Muqdisho.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland