AFGHANISTAN: Shan Nin oo lagu helay fal-dambiyeed KUFSI-WADAREED ah oo maanta lagu Fuliyey Xukun DAL-DALAAD ah

Kabul (SLpost)- Shan nin oo lagu helay fal-dambiyeed kufsi-wadareed ah oo ay u geysteen Afar haween ah oo midkood uur-leedahay, ayaa maanta lagu fuliyey xukun dal-dalaad ah oo dhowr bilood ka hor ay ku xukuntay maxkamad ku taala magaalada Kabul ee dalka Afgaanistaan.

Kiiska dhacadada lagu xukumay raggan oo si weyn u gil-gishay waddankaas isla markaana noqotay arrin shacabka waddankaasi dhegahooda ku cusub isla markaana sababta bannaan-baxyo lagu dalbanayey in sharciga lagu abaalmariyo raggan oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Afganistan, waxa sidoo kale soo faro-geliyey waddamada reer Galbeedka oo ka soo horjeeday xukunka.

afghan rape (1)Xukunka dal-dalaaladda ah ee lagu fuliyey raggan, ayaa ka dhacaya xabsiga Pul-e-Charkhi oo ku yaala Bariga magaalada Kabul. Waxa kale oo dilka dal-dalaadda ah lagu fuliyey nin kale oo loo haystay fal-dambiyeed aan kufsi ahayn.

Gabbood-fallada lagula kaco haweenka, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku baahay waddanka Afghanistan, haseyeeshee xukunka noocan ah ee lagu fuliyo dadka lagu helo falalka kufsiga ah, ayaan ahayn qaar sidooda loo fuliyo. Inta badan Shacabka waddanka Afghanistan, ayaa dalbaday in xukun dil lagu fuliyo ragga ka dambeeyey kufsi-wadareedka lagu sameeyey afarta haweenka, taas oo sababtay in dawladda Afghanistan ay iska dhego-tirto baaqyo caalami ah oo maalmihii u dambeeyey uga imanayay Ururrada u dooda xuquuqda aadamaha.

“Xukunkii Maxkamadda waa la fuliyey, dambiileyaashiina waa la wada dal-dalay – shan nin oo kufsi lagu helay iyo Habiib Istalifi oo madax ka ahaa koox budhcad ah oo dadka afduubta,” sidaa waxa yidhi Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxakamadda Ciidamada Qalab-sida ee Afghanistan, Atta Maxamed oo u warramayey wakaaladda wararka ee AFP oo aanu warkan ka soo xigannay.

afghan rape (2)Madaxweynihii hore ee waddankaasi Hamis Karzai, ayaa saxeexay xukunka dilka ah ee lagu riday shanta Marxuum maalmihii u dambeeyey ee xukunkiisa ka hor intii aanay doorashadu ka dhicin dalkaas dhowr todobaad ka hor, madaxweynaha xilka kala wareegay Ashraf Ghani oo baaqyo badan caalamka uga yimaaddeen kama horiman go’aanka uu ansixiyey madaxweynihii ka horeeyey.

Fal-dambiyeedka kufsi-wadareedka, ayaa 23-kii bishii August wakhti habeennimo ah ka dhacday goob dalxiiska loo tago oo ku taala degmada Paghman oo duleedka Bari ka xigta magaalada Kabul, kadib markii Shanta koox shufto ahi jidka u galeen haweenka kufsiga loo geystay oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan qoysaskooda oo ku socday magaalada wakhti ay ka soo laabanayeen xaflad aroos. Waxa ay haweenkani sheegeen inay mar kaliya ku war-heleen koox xidhan dirayska ciidamada oo intay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen qoysaskani, inta ay xidh-xidheen raggii la socday, dabadeedna goobtii ka kaxaystay haweenkii la socday.

SOMALILANDPOST,NET