Afgembi Dhicisoobay oo maanta ka Dhacay Dalka Eritrea

Asmara (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Isaias Afwerki ee Dalka Eritrea, ayaa maanta ka badbaadday isku-day u muuqday Af-gembi, ka dib markii Askar gadoodsani la wareegeen gacan-ku-haynta Wasaaradda Warfaafinta oo xarun u ah Telefishanka iyo Idaacadda Dalkaas.

Sida ay baahisay wakaaladda Wararka ee AP, Askarta gadoodday oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 100, ayaa xoog kula wareegay Wasaaradda Warfaafinta, kuwaas oo Agaasimaha Wasaaradda ku qasbay inuu telefishanka iyo Idaacadda ka akhriyo Farriin ay ku dalbanayaan in la sii daayo dhammaan Maxaabiista siyaasadda u xidhan, wixii intaas ka dambeeyeyna waxa hawada ka baxay idaacadda iyo telefishanka dalkaas.

IsaiasIsku-dayga Afgembi ee askarta gadoodday ayaa dhicisoobay markii magaalada Madaxda dalkaas ee Asmara lagu soo guray tiro-badan oo ka mi ah ciidamada qalabka-sida, kuwaas oo markiiba gacanta ku dhigay xaaladda magaalada.

Dawladda Eritrea, ayaa xalay fiidnimadii ku guulaysatay inay xaaladda Dejiso, askartii gadooddayna la qab-qabto ka dib markii Ciidamo badan lagu hareereeyey xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana markii dambe hawada soo galay telefishanka iyo Idaacadda Dawladda oo markii hore muddo saacado ah  ka maqnaa hawada.

Warar kale oo laga helay magaalada Asmara, ayaa sheegay in Askartaasi Afduub u haysteen Elsa Afwerki oo uu dhalay Madaxweyne Isaias taas oo la sheegay inay ka shaqayso Wasaaradda Warfaafinta ee ay xoogga kula wareegeen.

Tallaabadan, ayaa u muuqata inay suurta gal tahay inay hormood tahay Inqilaab Milateri oo ku wajahan sidii xukunka looga tuuri lahaa  madaxweynaha dalkaa  Isaias Afewerki  oo dunida galbeedku ku tilmaamnto keligii-taliye arxan-daran.

Madaxweyne Isaias Afewerki ayaa xukunka dalka Eritrea gacanta ku hayey ilaa 1991-kii markii uu ka go’ay dalka Ethiopia, waxaanu dalkiisa ka dhigay mid ka xidh-xidhan waddamada debedda, waana dawlada keliya ee afrikaanka ah ee aanay reer Galbeedku wax dhaqaale ah ku taageerin.

SOMALILANDPOST.NET