Afar Siyaabood Oo Masuul Kastaa Uu Ku Kasban Karo Kalsoonida Dadka Uu Shaqada Ku Maamulayo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud ahaan qof kasta iyo dadka ku xeeran, ayaa ka mid tahay tiirarka guusha xidhiidhka labada qof adkeeya. In hawl la maamulo ama laga midho dhaliyana waxaa lagama maarmaan u ah in kalsooni ay ka dhex jirto dadka ku wada lug leh. Maamule kasta oo doonaya in uu meel sare gaadhsiiyo hawsha loo igmaday ama in uu guul u soo hooyo awooddiisa maamul waxaa la gudboon in uu bilowgaba kalsooni ka dhex abuuro dadka la shaqaynaya isla markaana uu adkeeyo kalsoonida u dhexeysa isaga iyo bulshada. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xiganayo shabakadda Al-Carabiya ayaa soo ururinaysa Afar siyood oo uu Jacak Welsh oo ah Maareeyaha Maxadka Jack Welsh ee cilmiga maamulka, lehna khibrad maamul oo 40 san ahi aaminsan yahay in ay xoojiso kalsoonida dadka dhexdooda ah:

– Noqo deeqsi: Deeqsinimadu waa mid ka mid ah sifoyinka hoggaamineed, ruuxa deeqsiga ahina ma’aha ka gacanta furan oo kaliya, balse waa qofka dadka oo dhan badhaadhaha iyo barwaaqada la jecel, wanaagga uu helo ruux kasta la raba, isla markaana hanneeya waxa fiican ee ruuxa kale helo, waa ruux aan ka hinaasin dallacaadda iyo horumarka saaxiibbadiisa shaqada iyo mushaharka ay qaataan. Waxa uu si sahal ah u kasbadaa kalsoonida dadka ku xeeran.

– Talo-wadaag iyo go’aan loo dhan yahay: Marka aad hawl cusub shaqadaada ku soo kordhinayso, ama u baahan tahay go’aan qaadasho shaqada la xidhiidha, si uu u noqdo go’aan midho dhal ah waxaa kula gudboon in aad si xeeldheer uga f ikirto, isla markaana dhegeysato fikirka dadka kula shaqaynayaa ay ka qabaan go’aankaas, si aa dug ubeerto kalsooni ah in go’aanka u dambeeya ee soo baxay uu yahay kii ay iyagu qaadashadiisa wax ku lahaayeen fulintiisana si hagar la’aan ah uga hawlgalaan. Waxa kale oo ay tani dadka ku beeraysaa in ay si kalsooni ah u ixtiraamaan dhammaan go’aamada aad qaadato, maamul ahaan.

– Waxa aad doonaysaa dadka ha u caddaado: Koox ama qof kasta oo aad shaqo u dirayso, waa in aad dhacsiiso, si fiicanna oo cadna isula qaadataan hadafka aad maamul ahaan ka leedahay shaqadaas, iyo midhaha aad ka filayso. Sidoo kale ku dadaal in aad dhiirrigelin maaddi ah oo la taaban karo siiso qofka shaqadaa sida aad rabtay uga midho dhaliya.

– Muhiimadda koowaad si in aad ka faallooto hawlgudashadooda: Maamulaha waxa la gudboon in shaqaalihiisa uu si joogto ah ula socodsiiyo qiimaynta shaqada ay ahayaan iyo aragtida uu ka aaminsan yahay wanaag iyo hoos u dhac labadaba, isaga oo haddii ay dhaliili jirto isku dayaya in uu qofka shaqaalaha ah laftiisa tuso in ay iska kaashadaan sixidda waxa qaldan.

Xigasho geeska Afrika