Afar Dhalinyaro Ah Oo Ku Dhintay Inta U Dhaxaysa Suudaan Iyo Masar

 

Sudan(SLpost)-Ilaa afar dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku dhintay toddobaadkan saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Masar, dhalinyaradan ayaa safar tahriib ah kaga baxay magaalada Kharduum iyaga oo beegsanayey inay gaadhaan magaalada Qaahira.

Xamse Garaad Yuusuf oo la socday dhalinyarada geeriyootay ayaa VOA u xaqiijiyey inay ahaayeen laba gaadhi oo ay la socdeen illaa 24 qof, wuxuuna sheegay in intii kale ay badbaadeen oo haatan ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira.

Waxaa xilliyadan soo badanaya dhalinyarada Soomaalida ah ee beegsanaya dalka Masar si ay ugaga sii gudbaan hab qarsoodi ah dalka Talyaaniga.