Afaafka Hore Ee Xafiiska Itoobiyaanka Hargeysa Oo Maalmihii Ugu Danbeeyay Saxmad Ahaa

 

Hargeysa(SLpost)-Saxmad xoogan ayaa maalmihii ugu danbaysay ka muuqatay afaafka hore ee xafiiska dawlada Itoobiya ay ku leedahay Somaliland.

tiradan dadka ee aadka u badan ayaa lagu soo warmayaa inay sababeen wakhti bil ku dhaw oo ay kala go’een fiisayaashii dal ku galka oo aanu xafiisku bixinin, maalmahii ugu danbeeyay ayaa lagu arkaayay dad tiro badan oo wakhtidheer taagnaanaya afaafka hore ee xafiiska si ay u heleen fiisaha dal ku galka itoobiya oo lagu bixiyo baasaboorka Soomaaliland.

11925665_899004220147275_1531586825_n 11938982_899001720147525_612674034_n

dadka inta badan Itoobiya gala ayaa halkaas u taga arimo caafimaad, kuwo dhoof iyo kuwo uga sii baxa dalka Suudaan oo marin xoogan u ah tahriibayaasha Afrikaanka ah ee beegsanaaya dalka Liibiya.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland