Adriano Gallaini: Barca Markii Ay Oo Dhanaysay Waan Ka Baqeynaa Milan Been May Sheegeynin.

Hargaya(SLPOT)-Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay guusha ay kooxdiisa xalayto ka gaartay Barcelona ee lugta hore ee wareega 16ka ee Champions League.

Galliani ayaa sheegay in taageeraha ugu niyadasan ee kooxda inuusan filaneynin natiijadii xalay, islamarkaana ay tahay in guusha loo hibeeyo madaxweynaha kooxda Silvio Berlusconi oo u dabaaldegaya sannadkiisii 27aad markii uu iibsaday Diavolo.

“Shaqo fiican ayaan qabanay, waana inaan xusaa in tababaraheena uu ahaa mid aad iyo aad u wanaagsan feker ahaanteyda. Xalayto waxaan u ciyaarnay si cajiib ah. Waxaana u diidnay inay soo galaan xerada ganaaxa. Sidoo kale sannadkii hore xitaa si fiican ayaa u la ciyaarnay iyaga.

“Waan la ciyaari karnaa Barcelona, waana wax aan ku celcelinayay muddo badan. Barcelona ixtiraam weyn ayay inoo heysaa, marka ay dhahayeen waan ka baqaneynaa, been ma aysan sheegeynin.

“Kulamada ceynkaan oo kale taariikhda kooxda ayaa sidoo kale muhim ah. Hadii aan ka fekero 8 kulan ka hor xilli ciyaareedkan halka aan joognay. Kubada cagta waa wax qurux badan madaama aadan ogeyn waxa dhici doona, laakiin xitaa midkeeena ugu niyadasan ma uusan filaneynin natiijadan.

“Guushaan waa inaan u hibeynaa madaxweyne Berlusconi madaama uu u dabaaldegayo sannadguuradiisii 27aad markii uu kooxda la wareegay, taageerayaasha oo dhan waa inay gartaan cida ay tahay inay u mahadceliyaan. Madaxweyne Berlusconi isaga ayaa kooxda keenay meesha ugu sareysa caalamka. Taageerayaasha ma ahan inay ilaawaan xitaa markii Sampdoria ay inaga badisay, kaliya ma ahan inay soo xusuustaan markaan Barcelona ka badinay.”