Addis Ababa Oo Laga Hirgaliyay Laba Tareen Oo Magaalada Ka Dhex Shaqaynaya

 

Addis(SLpost)-Dawladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ka bilawday khad tareen oo magaalada gudaheeda ka shaqaynaya kaas oo isticmaalaya Koronto, waxaa ku baxday 470 milyan oo doolar.

Halkii saacba wuxuu qaadi karaa 60 kun oo rakaab ah. Tareenadan oo isugu jira kuwo cadaan iyo cagaar ah iyo kuwo buluug iyo cadaan ah waxa ay ka shaqayn doonaan 34 km oo magaalada gudaheeda iyaga ooo koronto ku shaqaynaya.

Waxa ay adeeg siindoonaan hal milyan oo ruux maalintiiba qiimuhuna waxa uu noqon doonaa wax ka yar doolar badhkii. Mashruucani waxa uu astaan u yahay raadka dhaqaale ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika.

Khadkan waxaa dhisay Injineero Shiinays ah waxaana intiisa badan maalgaliyay bangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China. Dawladda Itoobiya waxay sheegtay in tareenadani ay shaqayndoonaan 16 saac maalin kasta isla markaasna ay wax wayn katari doonaan cidhiidhiga ka jira wadooyinka magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

BBC