Addis Ababa: Nuxurka Kulan Ay Yeesheen Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa (SLpost)- Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo socdaal shaqo ku jooga wadanka Itoobiya.madaxweynaha-iyo-raysal-wasaarahamadaxweynaha-iyo-raysal-wasaaraha

Kulankaasi waxay Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya kaga wada hadleen muddo saacado ah oo uu socday kulankaasi qoddobo la xidhiidha sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulankaasi ka dib warbaahinta uga waramay dulucda qodobbadii ay labada Hoggaamiye isla soo qaadeen.

“Waxaanu Raysal wasaaraha Itoobiya  ka wada hadalnay danaha labada dal,xidhiidhka labada dal oo dhinac walba leh ayaanu ka wada hadalnay,Sida arrimaha   nabadgalyada,Shir fiican oo aanu aad isu afgaray  ayaa noo qabsoomay oo aanu aad iyo aad u soo dhawaynayno,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

“Waanu uga mahad-celinaynaa Raysal wasaaraha Itoobiya  sida sharafta iyo qiimaha leh ee uu noo soo dhaweeyay,” ayuu intaas raaciyay  madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku wehelinayay KulankaasWasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md Maxameed  Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade iyo  Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali, Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal iyo  Safiir Ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay maanta dalka kusoo laabtaan oo ay soo gunaanadaan socdaalkooda dalka Itoobiya.