Addis Ababa: Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa magaalada Addis Ababa kula Kulmay Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Wadanka Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo iyo xubno ka mid ah weftigii uu hogaaminayay ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Inigiriiska Mr Mark Simmonds, waxaaanay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal isagoo wasiirku ka waramay xidhiihdka taariikhiga ah ee labada dal ka dhexeeya, waxaanu Somaliland u soo bandhigay in Somaliland kasoo qayb gasho shirka arrimaha Soomaaliya ee May lagu qaban doono dalka Ingriiska.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhankiisa sheegay in aan arrimaha shirkaasi Somaliland khuseynin oo tallo qaran ay ka yeesheen sidaa awgeedna aanay meeli uga banaanayn ka qayb galkiisa. Dhanka kalena waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta labada dal isagoo madaxweynuhu uga mahadceliyay taageerada balaadhan ee ingiriisku siiyaan Somaliland. Waxaana ku weheliyay kullankan wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka madaxtooyada iyo masuuliyiinta safaarada Ingiriiska ee Addis Abbaba.

Somalilandpost.net