ADDIS ABABA: Najiitada kulan laba geesood ah oo markii labaad muddo laba bilood gudahood Dhexmara Xukuumadaha Somaliland iyo Ethiopia iyo waxyaabaha laga wada-hadlay

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland oo socdaal Shaqo ku jooga dalka Ethiopia, ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Xafiiskiisa Raysal-wadaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Debedda Itoobiya Mr Tedros Adhonom.

New Image000
Kulanka dhexmaray labada Masuul oo ah kii labaad ee ay yeeshaan Muddo laba bilood gudahood ah, ayaa laga wada hadlay arrimo khuseeya Ammaanka, xidhiidhada dibloomaasiyadeed iyo ganacsi ee labada waddan.

New Image

War saxaafadeed

“Wasiir Arimaha Debeda iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyada somaliland  H; E Mohamed Bihi Yonis, ayaa maanta kulan gaara kula yeeshay xafiiskiisa Raysal wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha debeda Ethiopia H; E Tedros Adhonom kulankan oo qaatay saacad iyo badh waxay labada masuul iskula falanqeeyeen xidhiidhka   soo jireenka ah ee walaaltimo ee ka dhexeeya labda wadan Somaliland iyo Ethiopia , waxayna  si gaara labadan masuul si gaara diirada ugu saareen arimaha nabad gelyada, siyaasada ,dhaqaalaha iyo mashaakilaadka ka jira mandaqada iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa kulan kan oo ahaa kii labaad mudo labo bilood ka yar  waxaa labada masuul midba gaarkiisa u balan qaaday in xidhiidhka walaaltimo iyo iskaashi ee labada wadan Ethiopia iyo somaliland la sii xoojiyo lana dardar geliyo”.

Axmed Yusuf Cilmi(Suudi)

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda &Iskaashiga Caalamiga