Abwaan Laab-saalax Oo Ka Hadlay Sababta Uu Uga Baxay Kooxda Xidigaha Geeska

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyihii kooxda fanka ee Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa sababeeyay ujeedada keentay in aanu ka sii mid ahaan kooxda Xidigaha Geeska.

 

ABWAAN-XASAN-SALEEBAAN-DHUXUL-LAAB-SAALAX

 

 

Abwaan Xasan Dhuxul waxa uu siddaa ku sheegay qoraal kooban uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay boga FACEBOOK-ga, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

 

“Xidigaha Geeska Ma jecli inay Dib u dhacaan, inay Horumaraan Moooyee, waayo Ninkii Magaca Wayn Ee Xidigaha bixiyayba waa Aniga, Haddana, markaan eeggay arrimo badan darteed waxaan go’aansadday inaanan ka Sii Mid ahaan Kooxda Xiddigaha geeska.

 

Haddaan Xiddigaha ka Baxayna Macnaheedu maaha inaan Fankii ka baxay, Markasta waa saaxiibaday Markastana waa walaaladay, Kuwaan Magaca ku dhex-yeeshayna waa iyaga, haddana waxaan isku Qanciyay inaan noqdo Saaxiibkood oo Dibada ka jooga Xumaan Li,I” Ayuu yidhi Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax

 

fff

 

Somalilandpost.Hargeysa