Abwaan Hadraawi oo Shacbiga Ugu Baaqay In La Kala Guursado Si Qoqobnaanta Beelaha Loo Dhameeyo

Hargeysa(SLpost)-Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi ayaa ku baaqay in wakhtigan loo baahan yahay in meesha laga saaro kala qoqobnaanta qabiilka la xidhiidha ee shacbiga Somaliland dhex taala, waxanu abwaanku soo jeediyay in arintaas dhamaynteeda loo adeegsado in beelaha kala duwan ee Somaliland ay kala guursadaan.

Waxaana Abwaanka hadalkiisa ka mid ahaa “Mar walba qabiilkaaga ku dhex jiri mayside waa inaad heshaa waddo ku hogaamisa oo ah in dadku isku noqdo xidid iyo xigaal. Marka ninku safro ee uu deegaan kale tago waa lahaybsan jiray ama sahan hanoqdo ama baadi-doon ha noqdee waxaa la odhan jiray yaad tahay, marka isagu isa-sheego ee cidaas ay kala qabiil noqdaan waxaa la odhan jiray waa qabiilka heblaayo ka dhalatay. Markaas ayaa la odhan jiray waa heblaayo reerahoodii, waana la sooryaynayaa oo muraadadiisa loogu quminayaa wax mishkilada aanu arkayn.”.

Abwaan Hadraawi waxa kale oo uu sheegay inay ummadda Burco tahay dad karaamo leh, waxaanu yidhi, “Ummad ayaynu nahay karaamo leh oo Islaam ah ayaynu nahay ee aynu xalino mishakilada ina kala xidhay ee ina baabisay oo wadooyinku hawada furnaadaan hablaha ha la is dhaafsado mishkilada oo dhami halkaas haku baxdo”.