ABWAAN GAARRIYE: Dhinacyada Qarsoon Ee Suugaanta- W/Q: Mustafe Sh. Cumar Geeddi ~ Q.2aad.

Mustafe Geeddi
Mustafe Sh Cumar Geeddi

Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Macallinku waxaa uu ka baxay beesha caalamka oo dhan oo uu ka mid ahaa Af-yahankeeda.

Halkan waxaan ku milicsan doonnaa,Qormooyin taxane ahaa oo aan Wargeyska Geeska Afrika oo ka soo baxa Hargeysa ku qoray laba sanadood horteed. Kuwaasoo aan ka wariyay khudbado Abwaan Gaarriye jeediyay.

……Malaha intaasi kumma filla sharaxaada qodobka la xidhiidha kalla duwanaanta Erayadda sharcigu xaddido iyo kuwa suugaaneed ayuu is yidhi Gaarriye, siddaa darteed, haddana waa uu ku soo noqday,oo waxaa uu soo qaatay Maxamed Ismaaciil Baasarce (Barkhadcas) iyo Lixdankii ka hor. “Berigii Gobanimodoonkii ayaa waxaa Hargeysa ka soo bixi jiray, Aliwaa Joornaal la odhan jiray oo Afcarabi ahaa, mid la odhan-jiray Qarni Ifriiqiya, waxaa ka soo bixi jiray War Soomaali side oo Af Ingiriisi ahayd, Barkhadcas ayaa waxaa uu yidhi.

‘Aliwaa Qarni iyo Akhbaar sida waxaan ahay tii afrey-naysay Arroor walba tayda waa la arkaa Afkeedana way ku hadashaa.’

Waxaa is weydiintu ka dhalanaysaa ‘Afkeedana waa ku hadashaa’ muxuu uga jeeday haddaan idin weydiiyo, qof waliba dhan buu ulla kacayaa, mid baa wuxuu u qaadan karaa Afsoomaali ayay ku hadashaa taydu laakiin kuwan kalle Af Ingiriisi, Hindi, iyo Carabi ayay ku hadlaan. macne kalena waa la siin kartaayoo, qof kale ayaa odhan kara Mayee Abwaanku wuxuu ula jeeday [Afkeedana waa ku hadashaa.’ ‘Aniga cid kalle wax iguma soo shubane arragtidaydii ayaan ku hadlayaa. Sidaa darteed, Erayadu marka suugaanta laga hadlayo, sidaas ayay u kalla bixi karaan waanay isku noqdaan xaga rurur sanaanta iyo macnaha.

Fahamka Dareenada.

Markan Abwaan Gaarriye, waxaa uu u degayaa nidaamka Cilmiga ah ee ay Tahay inuu ku xisaabtamo Saxafi kasta oo raba inuu bulshadda u gudbiyo Fariin laabtiisa xadantaysay. Taasoo ah, marka koowaad inaad ogaato, dadka aad la hadlaysaa kuwa ay yihiin iyo qaabka ugu wanaagsan ee aad wax ugu sheegi karto. “Haddii aan abwaan ahay, waa inaan garan karayaa dadka aan la hadlayaa kuwa ay yihiin, ileyn hadii kale xidhiidh is faham oo affeed lama sameyn karro’e. sida ugu wanaagsan ee aan kuula xidhiidhi karrayo marka aan ka fekerayo. waa in aan adiga wax kaa aqaanaa…..waxaa i horfadhiya qof, waxaan is weydiinayaa, qofkan halkee ay Maankiisa wax u maraan, sideebaan warkayga u gaadhsiiyaa Maskaxdiisa?

Markaa, waxaa ii soo baxaysa inay shan waddo oo laguu soo marraa ay jirto. waxaan Maskaxdaada ka guuxayaana, waxay u qabsanyihiin shanta dareen wax kuu soo maray, waa wax aad urisay, , waxaad taabatay, waxaad maqashay, waxaad Aragtay iyo fikraddo ka dhashay oo aad ka samaysay ayay u qabsanyihiin waxaan Maskaxdaadu haysaa. shantaas ayuunbaana laguu soo marayaa.

Marka aan sidaa u fahmo ayaan kalla xulanayaa dareenadii oo waxaan is weydiinayaa muxuu yahay raadka aan doonayo inaan kaga tagaa ruuxa, culays intee leeg ayuu leeyahay. talow Urta oo kali ahi ma ku filantahay inaad kula xidhiidho dhagaystahaaga.”Sidaas ayuu u sharaxay abwaanku, waxaana uu uga gudbay oo uu soo qaatay Tusaale sii kala hufa qodobkan uu ka hadlay waxana uu yidhi. “Sanka mararka la maray, waxaa ka mid ah;

Arrooryada hore daruur Onkodiyo

Ufada Roobku way Udgoontahay

Udgooonkaas ayaa marinkii sanka ah oo waad soo martay waqtiyo Udug leh, waxaana ugu wanaagsan oo aan marri karaa dareenka urta, waqtiyadda roobku jiro iyo xiliga guga ah ee uu jiro dareen kan laga hadlay oo kalle ahi, waqtigaas sanka ayaa laguu soo marayaa, adna markaba waxaad qaadaysaa Sanka kuulla raacaa, ileyn waxaad garanaysaa Barwaaqadii iyo saxansaxadii’e,”

Abwaan Gaarriye, waa uu sii wadday sharaxaada dareenada xidhiidhiya aadamaha, gaar ahaana, tilmaanta uu ka bixinayay kala xulashada mu’allifiinta iyo hanaanka ay inoogu soo tabiyaan arragtiyahooda oo mid waliba jidka uu doorbiddo u addeegsaddo inuu ku sargooyo hamiga uu tabinayo, iyadoo taasi ku xidhantahay marka hore fahamka guud ee uu murtiyahanka laftiisu ka aaminsanyahay dhagaystayaashiisa iyo dariiqa haboon ee ay u nugul yihiin, si fududna wax uga aqbali karaan, bal aan eegno mar dhinaca maqalka Dhagaha la inoo soo maray, iyaddoo murtiyahanka marinkan xushay, ujeedadiisa ka hor uu soo qaadanayo noocyo badan oo codad dhiilo leh sameeya. ‘

Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah

Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo

Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya

Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay

Ama koox ardo ah oo quraan kaadibka u toostay

Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay

Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis

Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkorkoo oomay

Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye” …..Reen, Dunuunuc, Guux, sawaxan, onkod, hanqadh, xiin, dayaan, danan iyo in baddan oo kalle oo ka mid ah codadka dhegtii maqasha ee ay gaadhaanba xusuusta kaga taga, waxaa uu Abwaan Raage Ugaas u maray waxaas oo dhan si uu u hanto dareenkaaga. Islamarkaana, kaaga soo jeediyo wax kasta oo kalle oo aad ku foogan-tahay. marka uu hubiyo in Maskaxdaadu u soo jeedo ayuu Abwaanku u degayaa ujeedaddiisa oo uu tilmaamayaa culayska ay ku yeelatay geeri ku timi gabadhiisii Faadumo, oo uu Libaax cunay siddaas darteedna waxaa uu leeyahay “Sidii oo aan ahay, waxaas oo dhan oo aad garanayso, Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhu e’…Markaas ayaan odhanayaa ‘Haa’ ileyn wax wadda sanqadhaya ayuu ii sheegaye, waxaan garanayaa inuu aad u taahay habeenkaas.” Ayuu yidhi Gaarriye.

Labadda Dhegood ee Uu ina qabsaday Raage Ugaas, Gaariyana, inoo soo qaatey, aan ka gudubno oo aan markana jaleecno dareenadda kalle oo aynu marti uga nahay Macalinkeena Alla ha u naxariisto’e,. “Kaasi dhegaha ayuu isticmaalay.

midbaa wuxuu isticmaalayaa, dareenka Taabashada. kuwaas waxaa ka mid ah, kan yidhi ‘Ma Annigaa intaan fuud kabado, kor uga soo booda, Dibnahayga ma’anaa Kulayl kaw iskaga siiya’ markaa wuxuu ka hadlayaa Kulayl iyo qobow oo taabashadda ku saabsan.” Ayuu yidhi Gaarriye, waxaana uu muuqaal ahaan u sawiray, isaga oo inta uu shay kabaday Kulayl dartii inta uu ku gubtay dib u booday. humaagaas oo qayb ka ah tilmaanta uu ka bixinayo uun dareenka taabashadda ee uu ka hadlay in abwaankaasi u maray dareenka dadka. “Ama siddii Cumar Dhuule ayuu soo gaabinayaa, oo wuxuu odhanayaa isaga oo dareenka taabashadda isticmaalaya. ‘gacmeheeda Xaada leh, markaan soo xusuustaba, xadantoodayeey. waad dareemaysaa Xadantadda oo markaba jidhiidhico ayaa kugu jabaysa.

Cumar Istareeliyana, markii uu Geela Amaanayay waxa uu isticmaalay isna dareenka dha-dhanka. ilayn isna waxbaan ku garanaaye…’Wuxuu yidhi,

Dhool caano laga soo lisay

Oo yara-dhanaanaday,

Garoortaad dhantaabaa

jidhkaba dhidid ku qooyaaye,

nin dhadhamiyay waa garanayaa

Dhul ay qaboojaan.

Markaa waa dareenkii dhadhanka. waxaan immika, tusaalayaal ka soo qaatay haddii Gabaygu yahay, hanaan dadka loola xidhiidho, qaababka ugu wanaagsan ee xidhiidhkaasi ku hirgalo iyo waddooyinka loo marro qofka. dareenadda qofka ayaad kala dooranaysaa, haddii uu dhagoole-yahay, indhaha ayaad maraysaa haddii kalle, dhowrbaad is raacinaysaa…Markaan doonayo inaan ku kiciyo oo aad dagaalanto, waxaan isugu kaa darayaa oo kuu soo marayaa saddex dareen. si aan kuu kiciyo .

Cali Dhuux oo doonayay inuu Ogaadeen kiciyo ayaa dhawrkaa waddo isticmaalay. si uu u dagaal geliyo, waxaa uu marayaa Dhagaha, Indhaha iyo urta…wuxuu leeyahay Geelinii Reerkow waakan, idiin muuqda, ..

Isaga oo Dildilihii Bisha Iyo Dacaydii Haaneed Leh arka buu leeyahay waa sumaddiinii oo dareenkii Isha ayuu ku bilaabayaa Beydkaa, markaa, wuxuu raacinayaa Oo Wadda Dunuunucahayuu

Idin Dul Joogaaye Danbarkiisu waa idiin uraa Waana Dabataane’

Ur, Maqal iyo Arragba wuu u maray si ay budhka markiiba u qaataana…?