“Abwaan Baashe iyo Macallin Cabdiqaaddir Waxa ay Xidhan Yihiin 9 Bilood, Iyaga oo Maxkamadda Maroodijeex Dembi Ku Weyday”. W/Q Siciid Gahayr

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin xabsiga weyn ee Hargeysa, iyaga oo ay dembi ku weyday maxkamadda gobolka Maroodijeex. Muddo ku dhaw sagaal bilood ayay xayiran yihiin, isla markaana ay waayeen xorriyaddoodii qofnimo ee ay xaqa u lahaayeen. Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo dhegaystay dacwadda loo haysto ayaa amartay in oodda laga qaado 29kii Oktoobar 2019ka, waxaanay weli gudaha ku jiraan laba bilood iyo labaatan cisho, iyaga oo aan wax dembi ah lagu helin.

Maxaa Loo Haystaa Macallinka iyo Abwaanka?

Waxa ay la xidhnaayeen laba eedaysane lagu eedeeyay in ay jarjareen xadhigga SOMCABLE ee mara gobolka Daad-madheedh. Maxkamaddu waxa ay dembi ku heshay labadii qof ee la xidhnaa, kuwaas oo lagu xukumay xadhig toddoba sanno ah iyo mag-dhawga dhibtii ay geysteen. Waxa ciidanka ka baxsaday mid ka mid ah labadaas qof ee la xukumay, waxaana la rabaa in dad aan waxba galabsan la dul-saaro gefka uu sameeyay qofka ka fakaday ciidanku.

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin rafcaan ay ka qaadatay Xeer-ilaalintu. Illaa haddana lama horkeenin Maxkamadda Rafcaanka. Xeer-ilaalinta iyo dhibbanaha ayaa duray garsoorihii maxkmadda rafcaanka ee lagu qoray gar-naqa dacwadda, waxaanay rabaan in lagu qoro garsoore ay iyagu soo xusheen oo ku maqiiqa waxa ay rabaan. Tallaabadani waxa ay lid ku tahay madax bannaanida Golaha Garsoorka Somaliland.

Ma aha in qof aan waxba galabsan loo haysto madax-furasho iyo in uu bixiyo khasaare aanu gacantiisa ku fulin. Qof ahaan ma taageersani in waxyeello loo geysto ganacsi uu leeyahay muwaaddin reer Somaliland ahi iyo mid uu shisheeye leeyahay midnaba. Waanan ka xumahay waxyeellada loo geystay SOMCABLE. Laakiin dembiga dhaca waa in lagula xisaabtamo cidda geysatay.

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa loo xidhay in ay ka tirsanaayeen madal Whatsp ah oo la yidhaahdo “Hal-doorka Garaxajis”, halkaas oo xubnaha ku jira ay qaarna indho-la’aan ku taageereen jarista xadhigga SOMCABLE, kuwo kalena ay ka horjeesteen dhibaatada loo geysanayo ganacsiga sharciga u haysta in laga furo gobolladda dalka. Waxa laga qabtay magaalada Hargeysa, xitaa ma ay tegin gobolka Daad-madheedh ee dembigu ka dhacay.

Ma aha in ay dadka shacabka ah loo bannado dacwado ay soo oogeen dad hantiileyaal ah oo loo habranayo iyo dad masuuliyiin ah oo ku tagri-falaya xilka ay qaranka u hayaan. Waxa xabsiyada ku jira muwaaddiniin ay eedeeyn rag ganacsato ahi, kuwaas oo aan hubo in aan dembi lagu helin, isla markaana aan maxkamadda la horgeynnin muddo laba sanno ah. Markaas saldhigyada iyo xabsiyadu ma bakhaarro ay ganacsatadu leeyihiin baa?

Ugu dambayntii waxa aan Xeer-ilaalinta iyo Shirkadda SOMCABLE ugu baaqayaa in ay ka laabtaan rafcaanka ay ka qaateen labada muwaaddin ee dembiga lagu waayay.

Siciid Maxamuud Gahayr