Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo Maanso Baroor-diiq ah u tiriyey Marxuum Mujaahid Xasan Guure

 

Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah hal-abuurada Dhalinyarada ah ee Somaliland, ayaa maanso Baroor-diiq ah oo uu dareenkiisa ku cabbirayo ka tiriyey Geerida Allah ha naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo maanta lagu aasahay magaalada Hargeysa.

Maansada Baroor-diiqda ah, waxa uu Abwaanku ku bilaabay sidan:-

 

Hoheey gabalkii dhaciyo
Ileen goor iyo ayaan
Qofbaa galbanaaya oo
Ka guura aduunaydee
Warkuu Cabdilaah Ganey
iisoo gudbiyeen ka naxay
Ma geesi halyay ahoo
Geyiga soomaaliland
Abaal badan geliyay oo
Maatida u gargaari jiray
Ayay geeridu dishoo
Waxaa go’ay geesigii
Ka galay taariikhda baal
Halyeygii miyuu galbaday
Dadkoo dhami garanayeen
Ma tagey Xasan Guure oo
Gobtii ma xaqaa arlada
Ka guur yidhi oo u raray
Guriga loo wada socdoo
God iyo iilbaa la dhigay

Halyeygii guul u dirir
Gees kale oo aad martiyo
Hadaan ged kaleeto jirin
Guulena qadarkiisa tahay
Yaqiinta guddoonasaye
Hadaanan abaal gudayn
Wallee kama gaabsadee
Hiil iyo garashuu lahaa
Garaad saxanbuu lahaa
Mujaahid gef diid ahoo
Garqaadasho leh buu ahaa
Guddoon adagbuu lahaa
Golaha nin ka doodi kara
Han gaabnina aan lahayn
Oo aan gabbanbuu ahaa
Gob aan la iloobinoo
Bulshada aan kala gurine
Duuduub ku gudoomiyoo
Dadkiisa la gees ahoo
Dan gaara inuu ku lumo
Ta guud uga leexdayoo
La hubo oo lagu goblamay
Ayuu Xasan Guure yahay

Ducana waan kusii gelbine
Godkiisa alloow ka yeel
Goobaha naxariista oo
U gogol oo haku yarayn
Macbuud garansii xaqoo
Waydiimaha ugu gargaar
Gefkiyo danbigana tiroo
Rabboow janadaada gee

Axmed Cismaan Batuun…2020……

Baroordiiqda mujaahid
(Xasan Guure Jaamac)