ABWAAN AF-GUDHIYE NOLOSHIISA SUUGAATIISA, IYO XAALKIISA MAANTA + XUKUUMADA

Hadaan baahi kuu qabay

Alahayow balay baydh

Baryo kuma hungowdee

Dhulka bilicda quruxdiyo

Baashaalka seeraha

Buurtii libaaxlay

Hadal badan badh waa been

Biyo badan badh waa riba

 — Axmed Siciid (Af-gudhiye) Heesta Buurtii Libaaxlay, By Xasan wado

Dunida hal-abuurku – gaar ahaan dadka Soomaalida intii Ka soo hadhaa – haduu yahay Abwaan, Mu’alif, Miyuusigiiste, Mulaxan, Heesaa, Qoraa, iyo Nooc kasta oo hal-abuur ah wax-soosaarkoodu waa mid iidaaman oo gashi leh. Xirfadoodu waa mid ay ka dheefaan, oo ay ka beec-mushtaraan sidaas darteedna ay midhihiisa goostaan. Hal-abuure kastaana hadba intii uu hal-abuurkiisu tiro iyo tayo le’egyahay uunbuu ku xisaabtamaa oo uu mood ka helaa. Sidaas darteedbaa waxa aad maqlaysaa, Micheal Jackson Hantida uu ka dhintay waxay kor u dhaaftay lix boqol oo malyuun oo doolar ($600m). Waxaa kale oo aad maqlaysaa Oprah Winfrey, hantida ay haysataa waxa ay haab-haabatay saddex bilyan oo doolar ($3billion). Jariirada Forbes ee lagu qiimeeyo shaqsiyaadka dunida, waxa ay sheegtay sanadkii ina dhaafay, In Bernie Taupin uu noqday Abwaanka ugu dakhliga badan adduunka oo uu sanadkaas oo kaliya soo xereeyey Hanti gaadhaysa ($75m) uu ka helay gabayo uu tiriyay, iyo sheekooyin kale oo badan. Dee xagay ka keenaan? ma dadkay xadaan?!

Ogsoonow, waxaa aduunka hal-abuur ku hirdamayaa waxaa ay u tafo xayteen ee ay la halgamayaan waa in ay hanti helaan. Shaki kuma jiro oo, hadii aanay lacagi jirin Oprah Winfrey gurigeeda ayay shaaha ku cabbi lahayd, Carlos Santana Giitaarkiisa suusada ayuu u jiidi lahaa, Stephen King-na qalin iyo buug dambe isma uu dul qabsadeen, oo hawlohooda kale ayay ku toosi lahaayeen. Balse Hal-abuurka soomaaliyeed taas waa ka duwan yahay. Hal-abuurka Soomaaliyeed waxa uu hal-abuurnimadiisa dhaafsadaa wax lacag iyo aduunba ka qiimo badan oo ah sharaf, magac iyo maamuus ay inta ay nool yihiin lagu muunadeeyo, barito marka ay allaystaana lagu xuso oo lagu xusuusto. Waxa kale oo uu hal-abuurka Soomaaliyeed gashigooda kale yahay in ay kalsamaan Miida, Maanka Iyo Maskaxoodaba wixii ka soo maaxda ay u hibeeyaan ummada ay ka dhasheen, hadii aanay taasi jirina Timacade Bilaash Inooguma gabyeen, Hibo Nuuri ma heesteen, oo Daauudna Kabankiisii inooma tumeen.

Waa ayaan iyo nasiib aynu dadka dheernahay, si ay taasi inoogu sii socotana waxaa jira waajib inaga saaran dadkaa naf hurka inoo sameeyey oo ah barito marka ay ku timaad – ilayn la huri maayee – da’, ama xanuun in ay helaan dawlad iyo dad ka warhaya oo xaalkooda goor walba la socda. Umad gashigii ay u hidiyeen u hambaysa oo hadhow ku xanaanaysa. Umad ka qaada habaaska oo haqabka ka jirta. Markaas baynu helaynaa darka jooga iyo dar kale oo soo maqaniba inay ku hirtaan in ay inagu Sooraan Suugaanta Sixinka ah ee aynu subax noolba ka dur-duurano.

Haddaan u jeedadayda u imaad, waxaan maanta Degelada Internet-ka midkood ka daawaday arin dareenkayga aad u taabtay. Waa madaxwayne ku xigeenkii qaranka oo booqanaya Abwaan af-gudhiye. Oo awal inuu xanuun la il-daran yahay uun baan ka war hayaye, xaalka uu ku nool yahayna uu aad u liito. Waxa uu ku nool yahay aqal yar oo sandaqad ah(Jiingad ka samaysan) oo ranji buluug ah la mariyay, waxaa aqalka ku wareegsan sarab (ood ama xayramad) aad u baaba’san. Raxan madax ah oo uu hor boodayao Md Saylici ayaa iyaga oo kadlaynaya ka soo galay afaafka hore ee aqalka markaasbay Salaan isku daba mareen Abwaanka oo meel aqalka Sintiisa ah inta kursi loo dhigay ku fadhiya.

Waxa uu sitaa koofiyad food-dhuub ah oo cad, cumaamad cumaani ah oo giir giir cas leh iyo shaadh cad. Wajigiisa diifta iyo darxumada xanuunkii uu mudaba la jiifay ayaa ka muuqda. Salaanta ayaa ku dirqi ah oo jaahiisa ayaad mooraal xumada ay ummadiisu baday aad ka dareemaysaa. Guud ahaan muuqiisuna waa mid laga damqado. Markiiba Madaxwayne ku xigeenka ayaa hadal kooban ka dul akhriyayoo isaga oo jeebadaha gacmaha kula jira ayaa uu makrafoon la hor hayay wuxuu mariyay erayo ay ka mid ahaayeen.

”isaga iyo rag kale oo la mid ahba oo uu Madaxwaynuhu hor keenay wasiirka warfaafinta, wixii lala qaban karo dawladu way la qaban doontaa. Ogaal la’aani ma jirtee laakiin tallaabadaa tirsan. Markaa wixii ay dawladu ugu talagashay sideedii bay u taagan tahay, insha Alaah wixii loo qabanayo deg-deg baa loogu qaban doona.”

Waxyaabaha aadka iiga yaabiyay waxaa ka mid ahaa, intii uu Madaxweyne ku xigeenku ereyadaas ku hadlayay Abwaanku waa uu fooraray, markaasbuu isaga oo u muuqda ruux yaaban uu shanta madaxa saaray (Koofiyadii uu xidhnaa ayuu gacanta saaray sidii qof yaaban). Waxaan is idhi, tolow ma waxa ku soo dhacay labada bayd ee u dambeeya heestiisa kor ku xusan ’Hadal badan badh waa been, Biyo badan badh waa riba’. Mooyi! Waxaase hubaal ah waa markii saddexaad ee inta uu mid ka mid ah mas’uuliyiinta dalka u sareeyaa sariirtiisa ku soo booqdo uu balan qaad u sameeyo. Oo tollow balan qaadyada xukuumada xukuumada ee beenta ah waxaan u aqaanay ka dhagax-dhigyada iyo wixii la midka ahe, goormuu ruux Abwaan ah oo xanuun la ildaranina liiska maaweelada balan qaadka beenta ah ku biiray? Mooyi! Waxaase hubaal ah balan qaad haduu bir-ma-gaydo leeyahay kan oo kale ayaa ahe, xukuumadu maantuun ha ka dhabayso, ilayn ruux xanuunsani qorshe dawladeed sugi kari maayee.

Waa kuma Af-gudhiye.

Soomaalidu xero kasta iyo xayndaab kasta ha ku kala jireene, baylaha ay wada jirka u ilaashato ayuu fanku ka mid yahay. Waxa uu halkaas ku soo gaadhay sidii ciyaarta qori isku dhiibka oo kale. Geedkii uu Cabdi Sinimoo beeray, ee ay Cabdilaahi qarshe, Xuseen Aw-faarax, Xasan Sh. Muumin iyo Col kale oo badaniba ay waraabsheen, ee ay Waabari abqaashay ayuu Af-gudhiyena ka mid ahaa raggii ooda iyo dayirka adag u sameeyay. Axmed Siciid af-gudhiye, waxa uu ka mid ahaa ragii fanka Soomaaliyeed Dhoobada kala baxay ee xiligii ay masiibadu ku habsatay boodhka ka jafay.

 ABWAAN AF-GUDHIYE NOLOSHIISA SUUGAATIISA, IYO XAALKIISA MAANTA + XUKUUMADA

Horraantii sagaashamaadkii markii dawladii dhexe ee Soomaaliyeed meesha ka baxday, ayaa isaga iyo rag kale dabkii fanka ee Soomaalida u baxayay inta ay dab ku qabsadeen ay Jabuuti dogobo iyo xulad kaga holciyeen. Waxa ay xiligaas aasaaseen kooxdii deegaan oo la odhan karo waxa ay buuxisay kaalintii ay ka baxday Waabari. Afgudhiyena waxa uu ahaa ninkii ruwaayadaha aynu intooda badan nasiibka u helay in ay daawasho inagu soo gaadhaan Alifay. Fanaaniin badan oo waawayn, dhexe iyio dambeba leh ayaa heesihiisa qaada, waxaana laga xusi karaa, Cabdinuur Allaale, Nimco Jaamac, Faduun Ducaale, Xasan waddo, Nuur Daalac, Aamina Faarax, Xabiiba Balbalaaf, Cawaale, Maxamed BK iyo qaar kale oo badan.Af-gudhiye, waa nin ay suugaantiisu tuf leedahay oo ereygiisu tahliil yahay.

Heesihiisa kuwa ugu Saamaynta badan waxaa ka mid ah (waxaanay ka mid tahay heesaha Soomaalida kuwa ugu mudakarsan), heesta kaftanka wiilasha iyo gabdhaha ah ee ay wada qaadaan afarta fannaan ee kala ah Nuur Daalac, Xasan wado, Mako, iyo Shugri

Waxa raanta loo feedhayaa waa rag

Waxa cadarka layskugu rushaa waa rag

Waxa fiidka loo roorayaa waa rag.

Sanadkii 2011-kii ayuu anaga oo joogna Huteelka Rays uu noogu yimid isaga iyo wiil aanu saaxiibo nahay. Qadar kooban oo saacad gaadhaya ayuu nala fadhiyay kuraasta Huteelka. Ismaanaan aqoon, Ismana uu kaaya barin runtii. Sidii qof mudakara ayuu noogu sheekeynayay, ka hor goor ay wax yar uuni ka hadhay goortii uu tagi lahaa ayaa wiilkii la socday ee uu gaadhigiisa raaci lahaa ee uu sugayay oo annana aanu saaxiib ahayn inta uu noo yimid nagu yidhi ”Ninkani waa Abwaan Af-gudhiye”. Waxaanay xiligaas xumadeedu daarnayd, heestii caan-baxday ee la sheego in uu Jabuutiba uga soo baxay ’Wankayga Cadoow ha Naaxin’ Daqiiqadahaas kooban ee aanu kulanay waxyaabihii aan ku arkay waxaa ka mid ahaa; Ka sokow hal-abuurnimadiisa, Abwaan Afgudhiye, inuu yahay qof dadnimo iyo dabeecad fiican leh, kibirna aan haba yaraatee lahayn. Nin iska qunyar socod ah oo dadkiisa iskaga dhex jira, Sida uu u murti waynyahayna aan jeclayn in magiciisa loo qaad-qaado balse, jecel inuu dadkiisa iska dhex joogo.

Xasan Sheekh Muumin ayaa waraysigiisii ugu dambeeyey ee Norway lagaga qaado waxa uu yidhi;  ” waxa ay fanaanadii Saynab X. Cali (Baxsan) oo muqdisho joogtaa noo sheegtay In Xuseen Aw-Faarax Dubbad oo ah abwaankii u horeeyey ee ruwaayad masrax alifa uu Gaajo ugu dhintay magaalada muqdisho ”

Hada Aaskiisiina waxa laga yaabaa in kadin Geel ah wax gaadhaya lagu axmay! Abwaan Axmed Afgudhiye dawladii Jabuuti ee uu in badan dhiigiisa iyo dheecaankiisaba u soo huray waa ay hagratay oo duhur cad ayuu isaga soo haajiray, inana ma tii tu la mid ah ayaynu yeelnaa? Afgudhiye iyo ragga la midka ah ee ixtiraamka inaga mudani barito marka ay allaystaan inta ay aaskooda guddi u saarayso xukuumadeenan Balan-Qaadka badani, maanta oo ay nool yihiin ha ugu ciidamiso.

 Horuu u yidhi:

Hadaan baahi kuu qabay

Allahayow baloy baydh

Baryo kuma hungowdee

Hadal badan badh waa been

Biyo badan badh waa riba

 WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Abdirasak Salah