Abuurista Cashuuraha Waxaa Saldhig U Ah Awooda Bixiyaha Iyo Baahida Umada – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf

garyaqaan muuse yuusufCurinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya

Dunida waxaa lagu tartamaa Cashuuraha oo Gobolada dalkaliya ayaan isku cashuurahayn oo gobolka waxsoosarka lihi uu ka duwan yahay ka ka dhaqaalaha hooseya ee tiro iyo tayo ayaa aduunka lagu kala baxaa taas ka sakaw, maaha caqli In lagu dabaqo cashuuraha baahida dawladeed ee waxaa lagu dabaqaa waxsoosarka iyo koboca dhaaalaha, Waxaa Muhiim ah In Aanay Aamusin Dhaqaale Yaqaanka Umada ee ay Iftiimiyaan Mugdiga dhaqaale ee Mooshin Sharcigan Iyo Qayrkiiba Si Umadu Ufahanto

Anigu Waxaan U Arkaa Mooshinkan curyaaminaaya Xeerka Midaynta cashuuuraha ee qaranku tabaayo taas oo ah in La dejiyo xeerka cashuuraha qaranka ee maaha In malinba la sameeyo mid cid gaar ahi Wadato.

Bal hadii aynu yara eegno xeerkani

Golaha Wasiirradu;

Markuu Arkay;

In Waddooyinku ka mid yihiin hal-bawlaha isku xidha Dalka, isu-gudubka Bulshada, sugidda amaanka iyo kor-u-qaadida dhaqaalaha.

Markuu Arkay;

In Dhaqaalaha waddooyinka ka soo gala Fuel Levy-ga iyo Lessen Levy-ga iyo dhibaatooyinka Waddooyinku aanay  ahayn wax is-kafayn kara, isla markaana aanay jirin wax dhaqaale ah oo inaga soo galay qaadhaan-bixiyayaasha  laga soo bilaabo sanadkii 2006.

Markuu Dersay;

Dhibaatooyinka ay Shilalka Gaadiidku keenaan waddo xumadda awgeed ee dhimashada Dadka, Xoolaha iyo    khasaaraha dhismayaasha iyo hantida kale ee kala duwan.Waxa uu ansixiyey Qabyo-qoraalka Xeerka Horumarinta Waddooyinka.

“Golaheena wasiiradu Miyaanu Arag ama eegin Baahida Bulshada Gaadiidka lagu waajibinaayo 5 Jibaarka Cashuureed, Waa Kuwa Bixin kari la Ta Hore ee La 5 Jibaaray”

 Qodobka 5aad

 Waajibaadka Maaliyadeed ee Xoolaha Damaanka ah.

 Waxaa la waajibiyey in neef kasta oo ka dhoofaya Dekadaha dalka laga bixiyo qadarka lacagta ah ee soo socota:

   1- Adhiga:  Neefkiiba $1 USD (Hal Doolar)

   2- Lo’da:    Neefkiiba $3 USD (Sadex Doolar)

   3- Geela:    Neefkiiba $5 USD (Shan Doolar)

        Qodobka 6aad

Waajibaadka Maaaliyadeed ee Gadiidka

Waxaa la waajibiyey in gaadiidka:

Ilaahbaan idinku dhaarshe Bal Waxaad ila eegtaan Qima tirka Lacagta qaranka somaliland sida loogu bahdilayo xeerkan gudihiisa oo lagu xisaabtamaayo lacagta qalaad oo dastuurka iyo xeerarka baananku sugaeen halbeega lacageed ee qaranku waa SLSH

1- (Gaadhi yar) Cars, Pick-up & Land cruisers, Mini-Bus , Light goods vehicle iyo kuwa qaadkoogu ka yar yahay Saddex 3 Tan, Sadexdii biloodba mar laga qaado $15.50 USD oo ah qiimaha dhismaha 1 m2 oo Wadada ah.

2- In gaadiidka qaadkoogu ka badan yahay 3 Tan oo ah: Medium goods Vehicle , Heavy goods vehicle ,

    Trailers , Tan-kiiba laga qaado: $ 5 USD (Shan Doolar), saddexdii bilood hal mar laga qaado.

Qodobka 7aad

Ururinta iyo Fulinta

 Iyada oo aan waxba laga bedalin macnaha kalmada TAX (Cashuur) ee xeerka The Body of Laws on Direct Taxation.

 Ururinta Waajibaadka Maaliyadeed ee Xeerkani jideeyey waxaa loo raacayaa: Chapter I & II ee Title iV ee  Xeerka  The Body of Laws on Direct Taxation iyo xeerarka kale ee khuseeya.

Bal eeg qodobkani wuxuu Marag ka yahay inay cashuuraha gaar ka tahay qabashada dhaqaalahani oo aanu la mid ahayn sababtoo ah wuxuu leeyahay Nuxur ahaan Gaar ayuu Hanti dhawrku u daba galayaa.

Qodobka 9aad

Awoodaha Hantidhawrka.

 Ka sakow awoodaha hantidhawraha guud ee ku xusan xeerka hantidhawraha guud, xeer lambar 05/98 iyo  xeerarka kale ee dalka, hantidhawraha guud wuxuu awood u leeyahay; baadhista iyo dabagalka waajibaadka  maaliyadeed ee xeerkani jideeyey.

“Kordhinta Cashuuraha iyo Baahida Bulshada Waa Inay Is Ceshadaan oo lagu saleeyo Baahida Iyo Awooda Bulshada Sida ku cad Dastuurka Somaliland

QODOBKA 14AAD  CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA

1.Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo.

2.Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya.

3.Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.

Ugu Danbayn Waxaan u soo jeedinayaa Golaha Wakiiladu Inay Mooshinkan Laalan oo ay ku Diidan Golaha Xuxuumada oo ay eegan danta umada iyo Maslaxaada Qaranka.

Sidoo kalena Madaxweynaha Somaliland uu Adeegsado Khibradiisa Aqooned ee dhaqaalaha oo aanu ummada ku eegin tacadiyada kaga manaaya Golaha uu Gudoonka u yahay.