Abiib-Timacad oo ka Hadlay Shirweyne Beeshiisu Gudaheeda kaga Gun-gaadhayso Tuhunnada Dilalkii Seemaal iyo Dila

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad), ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga xog-warramay shirweyne nabadeed beeshiisa uga furmay degaanka la yidhaa Xamaalaha Ilma Deddo oo dhinaca galbeed kaga toosan degmada Gabiley, kaas oo uu sheegay inay beeshu baadhitaan buuxa oo gudaheeda ah kaga sal-gaadhayso tuhunnada farta ku godaya ee la xidhiidha dilalkii foosha xumaa ee ka dhacay jidka laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Kalabaydh iyo Dila iyo dilkii argagaxa lahaa ee sannadkii hore saddexda qof ee rayidka ah habeenka lagu miray degaanka Seemaal oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki.

“Shirweynahan oo qabanqaabadiisu muddo soo socotay, dulucdiisuna tahay sidii nabad iyo wada-noolaansho walaaltinimo loogu dabbaali lahaa xiisadda iyo kala-shakiga muddada dheer ka taagnaa degaannada u dhexeeya gobollada Gabiley iyo Awdal ee ka dhashay dilalkii foosha xumaa ee kala dambeeyey, waxa uu beesha Reer Xareed uga furmay Khamiistii meesha la yidhaa Xabaalaha Ilma Daddo oo ah xuddunka dhulka beeshayadu degto, waxana isugu yimi dhammaan waxgaradka beesha ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa,” ayuu yidhi Abiib Timo-cad,  isaga oo intaas ku daray, “Shirweynahan oo ay ka qaybgalkiisa u dhan yihiin guud ahaan mudanta beeshayada sida siyaasiyiinta, madax-dhaqameedyada, cuqaasha, culimaa’udiinka, waxgarad, dhallinyaro iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee beeshu ka kooban tahay, waxana muddo shan maalmood ah oo uu socon doono si mug leh beeshu gudaheeda baadhitaan culus ugu samayn doontaa tuhunnada la xidhiidha dilalkii foosha xumaa ee jidgooyada dadka lagu laayey iyo dilkii kalhore ka dhacay degaanka Seemaal ee saddexda qof lagu dilay, maadaama dilalkaasi dhaliyeen xasillooni-darro iyo colaad ka dhex abuurantay bulshada walaalaha, ehelka, qaraabada iyo ood-wadaagta ah ee reer Gabiley iyo reer Awdal, iyadoo sida qorshuhu yahay gunaadka shirweynahaas beeshu ka soo saari doonto wax lagu wada qanco oo ku saabsan xal-u-helista iyo soo afjaridda colaadda kala fogaanshaha dilalkaas foosha xun sababeen ee ka taagan degaannada u dhexeeya labada gobol ee Gabiley iyo Awdal.”

“Ma aha shirkani bid beeshu si cad ugu qiratay masuuliyadda falkaas oo aannu si kulul u cambaaraynayo, ugana xunnahay runtii, haseyeeshee waa mid beeshu gudaheeda si buuxda oo dhammaystiran ugu xaqiijinayso waxa ka jira tuhunnada loo aanaynayo, isla markaana muhiimaddiisa ugu weyn tahay nabadgelyo ka islaaxda degaannada colaaduhu ka jiraan iyo sidii loo dhammayn lahaa tabashooyinka beesha Dila naga tirsanayso ee ku saabsan masuuliyadda dilalkaas,” ayuu yidhi Abiib Timacad oo warbaahinta ugu warramay shalay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay madasha shirku uga socdo beeshiisa ee Xabaalaha Ilma Daddo.

La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la soo afmeero dhibaatooyinka is-biirsaday iyo colaadda ka aloosan degaannada u dhexeeya Gabiley iyo Awdal, isagoo hoosta ka xarriiqay in natiijada shirkaas ka baxdaa noqon doonto daawo rasmi ah oo loo helo dib-u-walaalaynta iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha labada beeleed oo walaaha ah, sidoo kalena meesha ka saara tuhunnadii la kala qabay, waxaannu intaa ku daray inay si nabadgelyo iyo sidii dhaqanka bulshada reer Somaliland ahaa ay go’aamada shirkaas ugula tegi doonaan walaalahooda reer Awdal ee dhalashada, dhiigga iyo dhulkaba wadaaga.

Md. Abiib Timacad waxa uu sheegay in maalintii koowaad ee furitaanka shirka beeshiisa u socda lagu koobay duco, qur’aan-akhris iyo waanooyin diini ah oo salka ku hayey in beeshu gudaheeda daacad ka ahaato baadhitaanka iyo xaqiijinta tuhunnada loogu aanaynayo dilalkaas colaadda iyo kala-qaxa dhaliyey, waxaannu ugu baaqay bulshada degaannada Awdal iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay taageeraan shirka beeshiisu kaga gun-gaadhayso xallinta dhibaatooyinka, isagoo dhinaca kalena Ilaahay ka baryey inay ka baxaan wax lagu wada farxo oo daawo u noqdo colaadaha muddada soo jiitay ee ka jira degaannada u dhexeeya Gabiley iyo Awdal.

Geesta kale, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo isaga laftiisa mar loo xidhay tuhunnada beeshiisa farta ku godaya ee la xidhiidha dilkii saddexda qof ee rayidka ah hurdada lagu miray degaanka Seemaal oo u dhow degmada Baki ee Gabolka Awdal, waxa uu sheegay in qaddiyaddaasi noqotay bar madow oo ku taal guud ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Gabiley.

“Saamaynta arrintaasi ku yeelatay beeshayada iyo guud ahaan Gobolka Gabiley waxay gaadhay heer ciyaartoygii Gobolka Gabiley uga qaybgalay tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland ee horraantii sannadkan ka dhacay magaalada Burco oo markay garoonka galaan taageerayaashu ku oriyaan, iyagoo ku leh ‘waa dad-qalladii,’ taasina waa ayaan-darro weyn oo ka dhalatay dilalkii foosha xumaa ee degaannadaas ka dhacay, markaa insha Allaah waxaan rajaynayaa in shirkan oo aanay beeshu kala hadhin ay ka soo baxaan natiijo wanaagsan oo ka farxisa dadka degaannada wax ka dhaceen iyo guud ahaan dalka Somaliland oo dhan,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo sheegay inay qabsoomidda shirkaas taageero buuxda uga heleen dawladda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net