Abdillahi Yusuf & Adduun-aragga Siyaasiyiinta Soomalida ee Maanta “Ummad Jabtay Halyey ma leh” – Q. 2aad

Aadan Muse Jibriil

Ka dib markii dhawr iyo soddon qof oo akhristayaasha ka mid ahi  igu soo warcileen, cabashana ka muujiyeen qaybtii hore ee qoraalkaygan. Dadkaas oo qaar ka mid ahi jeclaan lahaayeen in aan Abdilahi Yusuf ka dhigo haleyey Somalileed. Sidaas darted waxaan xasuusinayaa qolyahaas maahamaadanodhanaysa “Ciidan jabay geesiyaal ma leh, umad haligantayana halyeey ma leh”.  Isla markiin waan gar-waaqsaday in aan sidii aan wax u rabay la ii fahmin. Markaas waxaan goostay in aan soo hor marsado afeeftan yare e hordhaca ah:

1.Ujeedada qoraalkani maaha mid ku wajahan Abdilahi Yusuf oo keliya, waxuuse ku wajahanyahay dabaqadda siyaasiyiinta Somalida, guud ahaan gaar ahaana kuwa Somalidii talyaanigu gumaysan jirey, oo aan u rako inay sabab u yihiin Fashalka Somalida ku dhaca, iyo ceebta manta taagan. Taas oo keentay in manta lagu fekero in dib loo qabsado, laguna soo rogo mamul caalami ah (UN/AU Trusteeship ah, ka dib Markii  ay wax xal ah keeni kari waayeen.

2.Arrintan oo aan shacabka Somalida lagu eedayn Karin ee gebi ahaanba eedeeda ay iska leeyiin jilayaasha siyaasadda ee Somalida Konfurtu. Kuwaas oo Abdilahi Yusuf Ahmed mar walba safka hore kaga jirey teer iyo 1978di, hadday tahay Fashalka dawladnimo iyo ka soo kabasho la’aanta intaba.

3. Sidaas owgeed, waxaa laga hadlayaa maaha qof  ee waa  dabaqada siyaasiyiinta iyo Adduun-Aragooda, kuwaas oo ah kuwa jiheeya awooda qof kasta iyo fal-celintiisaba.

Xukunkii Siyaad barre ee 21 sano waxuu tilmaan u ahaa laba masiibo oo kala daran, kuwaas oo  dhaliyey kacdoonkii shacabka Somalidu aakhirkii kala soo hor-jeestey xukunkii Siyaad Barre. Waxaanay kala ahaayeen: 1) digtaatoriyad  Militari iyo sii qoto dheeraynta qabiilka (markii uu hay’adihii qaranka ku tallalay  xukunka qoys, qaraabo, xigtanimo iyo dareenka qabiilka  oo  isku dhafan. Labadan masiibo waxay saldhig adag u dhigeen kala furfuran iyo ismaan la’aantii ka dhix dhacday qabaa’ilka Somaliyeed. Taasi waa dhaxalkii 21 sano ee xukunkii Siyaad barre. Dhinaca kalena  waxaa xaalka sii murgiyey  siina qoto dheereeyeyey Jabhadihii SSDF iyo USC oo ay hogaaminayeen laba nin oo militeri ah; Abdilahi Yusuf iyo Mohamed Farah Aydiid oo ay isku adduun-arag ahaayeen M. Siyaad Barre. Addun-aragooda militari iyo kan qabiilna gun-dhig ama saldhig u ahaa nasiib darradii ku dhacday halgankii dimoqradiyd doonka ahaa ee shacbka Somalida Koonfurta. Kaas oo majara habaabiyey wacyigii shacabka iyo ujeedadiisii ahayd dibu-heshiisiinta iyo dawlad dhiska. Iyaga oo ujeedadooda koobaad ahayd in mid waliba uu madaxweyne noqdo, reerkiisuna gacqnsarraynta ku yeesho siyaasada Somalia. Taas oo sii kaabtay hungadii laga dhaxlay (kacaankii) ka dibana fashalkii dawoladanimo ee laga dhaxlay. Waxaase aan xaq iyo caddaalad midna ahayn in eedda oo dhan la dul saaro Inqilaabkii ay hoggaaminayeed askartu, ee uu fuliyaha koobaad ka ahaa Salaad Gabyle Gediye, mamulkiisana Siyaad Barre ka dhaxlay.

Qaybta kale ee fsashalka (guul-darrada) waxaa saami weyn ku lahaa Abdilahi Yusuf iyo M. Farah Aydiid.

San-saanka arrimahani soo bilaabmeen waqtigii lagu jirey halganka hubaysan ee sideetaneeyadii (1980s).  Markaas oo ay samaysmeen Jabhadii SSF-SSDF, SNM iyo USC. Bal haddaba aynu dib u eegno taariikhdaas oo ah mid la’aanteed aan la fahmi karayn fashalka dawladnimo eek u dhacay Somalida Koonfurta.

Saddexdan urur ee kor ku xusan oo ay ahayd in ay horseedaan dhismaha Somali cusub oo ka duwan tii Siyaad barre, oo dimoqoraadid ah baa laba ka mid ahi (SSDF&USC) bilawgiiba waxaa ka xumaaday socod baradkii. Halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen dhinaca dhismaha dimoqoraadiyada ee ururadooda dhexdooda (Inner-party democracy) sidii hadhow ay tiir dhexaad ugu noqon lahayd saldgigga dhismaha Somalilada cusub, ayaa waxay u dhaqaaqeen dhinaca keli talisnimada, qabyaaladda, iyo militarismka.

Markii Abdilahi yusuf ku soo biiray ururkii SSF (Somali Salvation Front) sanadii 1978  waxuu ahaa urur ay gudihiisa ku midaysaan yihiin qabaa’ilka Somalidu guud ahaan.Waxaa tusaale arrintan u ah gudidiisa fulintu  waxay ka koobnaayeen magacyadan kala ah:-

1. Mustafe Xaaji Nuur, Xog-hayaha Guud (secretary General) oo ahaa qofka ugu Atwood Weyn xagga distoorka ururka, kana soo jeedey qabiilka Issaqa

2. OmarIsterliin oo ahaa gudoomiye sharafeedka ururka, ahaana ninka  ugu da’da weyna gudida fulinta, kana soo jeedey qabiilka Hawiye ( Abgaal)

3. Osman Ali Qonof, xoghayaha arimaha dibedda, Majeerteen, Osman Mohamuud,

4. Mr. Mohamud Shandiinle, kana soo jeedey Hawiye (Habar- gidir)

Kuwaasi waa afartii nin ee ugu muhiimsanaa 11 kii nin ee gudida fulinta, oo muraayad u aha sida ururka loogu wada dhammaa. Waqtigaa asaga ah SNM iyo USC midkoodna weyli ma dhalan. Runtiina waxaan aaminsanahay in haddi aanu Abdilahi Yusuf imaan lahayn, markii dambena General Maxamed Farah Aydiid aanay ku soo biiri lahayn mucaaradadii Somaliyeed ee ka jirtey  debedda waqtigaas asaga ah, waxaa si wayn suura gal u noqon lahayd in Ururka SSF ahaado  midka kulmiya Somalida oo dhan. Waxaana laga yaaba in ay taariikhda Somaliduba si kale u qormi lahayd. Ogoobeey urur waxaa lagu midoobi karaa marka uu lee yahay nuxur waddani ah oo dhexdiisa ay ka jirto dimoqoraadiyadi, is-qaderin iyo isku dheelitir aragtiyadaha kala duwan iyo danaha ay cid waliba u taagantahay.

Haddaba, halkan haddi aynu soo gaadhney, waxaa is wediin leh: Ururkii SNM muxuu kaga duwanaa SSDF iyo USC, maxuuse kala mid ahaa, maxayse siyaasyiinta Somaliland kaga duwanayeen Abdilahi Yusuf iyo General Mohamed Farah Aydiid, iyo guud ahaanba siyaasiyiinta Koonfurta, maxayse kala mid ahaayeen, ila maantana kala midyihiin?

Aadan Muuse Jibriil (Wakiilkii Hore ee Somaliland ee UK)

Email: adamjibril@hotmail.com