“Abaarta Gobollada Bari Ka Jirta Oo Dhan Nin kaliya ayaa Qaata Wixii La Siin Lahaa” Sh. Aadam-Siiro + Video

Hargeysa (SLpost)-  Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay  waxa Shareecada Islaamku ka qabto ilaalinta iyo daryeelka Hantida Ummadda ka dhaxeysa iyo sida Alle (SW) u adkeeyay.

Sheekha ayaa  Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo ku arooraya Xaaladaha Dalka ka jira, Abaaraha soo noqnoqday, heshiisyada lala gelayo Dalalka Shisheeya iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

sheekh-adam-siira-1Sheekh Aadan-Siiro oo ugu horeyn ka hadlaya waxa Shareecadu ka qabto ilaalinta Hantida Ummadda ka dhexeysa, ayaa yidhi, “Shareecadu waxay u soo degtay in la ilaaliyo Hantida ay Muslimiintu leeyihiin iyo Hantida Qofka Bani-aadamka ahi leeyahay. Qiyaamaha waxa Qofka bani-aadamka ah la waydiinayaa halkeed ka soo shaqeysatay Maalkaaga, halkeedse ku bixisay.? Innagu maxaynu u taagan nahay Dadka Abaartu ku haysato Bariga Somaliland wixii la siin lahaa Nin keliya ayaa qaata, Wadaad ha noqdo ama Taajir ha noqdo ama Nin Aqoonyahan sheeganaya ha noqdee, taasoo dhacday kumanaan jeer.”

HOOS KA DAAWO HADALKA SHEEKHA