Abaaro Ku Dhuftay Gobalka Hawd iyo Badhasaab Ku Xigeenka oo Ku Baaqay In Mucaawino La’la Soo Gaadho 6842 Qoys

 

Baligbuadle(SLpost)-Badhasaab ku xigeenka gobalka Hawd Warsame Faarax Soomaali, ayaa xukuuamdda, haayadaha deeqda bixiya iyo ganacsatadaba ugu baaqay in dadka deegaankaas oo abaaro ay saameeyeen mucaawinooyin la’la soo gaadho.

waxa uu badhasaab ku xigeenku sheegay in haatan la soo gaadhsiiyay tirikooba hordhac ah oo sheegay in 6842 qoys ay abaarahu waxyeelo u gaysteen, waxaanu ku baaqay in dadkaas si buuxda wax loo soo taro, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “38 tuulo ayaan soo maray mudo sadex casho ah, 13ka golaha deegaanka oo uu duqii hogaaminaayo ayaa ku maqan tiro koobka badankiisii, waxaana hada laysoo gaadhsiiyay uun 6842 qoys,  markaas  haayadaha qaabilsan mucaawinada, kuwa islaamiga ah ee mucaawinada wada iyo ganacsatada reer Somaliland ee ay ganacsatada deegaanku ugu horeeyaanba waxaanu ugu baaqaynaa in dadkaas abaaruu ay soo saameeyeen wax la soo taro.”

abaaro ba’an ayaa saameeyay inta badan ee gobalada Somaliland gaar ahaan kuwa galbeedka iyo waqooyiga, waxaanu noqonayaa baaqa ka imanaaya dhanka gobalka Hawd kii ugu horeeyay ee deegaanada hawdka ka yimaada.