“Aayaha Jamhuuriyadda Korkordhinlaand – W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Ibraahim_HawdQoraalladani waa qaar ka mid ah fikrado uu qoraagani saaxiibbadii ku la wadaagay barta bulshada Facebook, fikradahaas oo wada khuseeya qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaalilaand la geliyay)

(1)

Beri dhexdeer ahaa, oo ammuuraha siyaasadeed ee Soomaaliya aad iyo aad u liiteen, saaxiibbaday reer Soomaalilaand oo xaaladdaa quudhsanaya wax aan ku odhan jiray: Ma la ga yaabaa in ay koonfurtu ka aayo roon tahay Soomaalilaand, dawladnimo ahaan? Si naxdin leh ayay ii wayddiin jireen: oo waayo? Wax aan ku jawaabi jiray: Koonfurtu hoogga siyaasadeed ee ku dheeraaday haddii ay maalin uun dhammeeyaan, wax ay haystaan waaya’aragnimo yaab leh oo ay ku hoggaamin karaan isirka soomaalida oo dhan, siyaasad ahaan. Oo sidee? ayaa haddana la i wayddiin jiray. Wax aan odhan jiray: Koonfurta wax qeedhin ahi ma jiraan oo wax walba cadaabta gunteeda ayaa la gu soo bislaystay, waxa qudha ee ay ku dawladoobi karaanna waa madhaafaan sugan oo meel kale loo ga gudbi kari waayay. Laakiin Soomaalilaand waxaa habsaamiyay: Xeer jajab! Waar nabadda yaan la dhaawicin! Waar odayga daaya! Waar reer hebelow jooga! Waar ha la ka la xishoodo! Waar reerkaa orda waxoodii u geeya! Siyaasigaasi gabadh buu innaga qabaaye ha la ga xishoodo! Iwm. Sidaa nabad waa loo gu noolaan karaa muddo, laakiin dawlad la gu ma noqdo.

Waxaa dawlad la gu ma noqdo. Dawlad waxaa la gu noqdaa: 1) In la gu wada qasban yahay, oo la gu wada qanacsan yahay, xaqiiqada ah dawladdu in ay tahay dan wadareed oo loo wada baahan yahay, taas oo aan la’aanteed qof iyo qolo is bixin kartaa jirin, 2) Xeer la is la og yahay oo dantaa wadareed la gu wada ilaashado, cidda jebisaana eedoobayso oo la ciqaabayo, 3) Doonis ku wada jirta dadka dawladdaas wada leh, si ay u wada ilaashan karaan.

Intaasi caawa Soomaalilaand ma taallaa? Maya, ma taallo. Waxaa taalla in ay niman batraanno ah oo danley ah oo aan waxba xeerinayni umaddii heshiisay ku dul bardooddamayaan.

(2)

Dadweynaha reer Soomaalilaand intee in la’eg buu og yahay in siyaasigu yahay tuug dalka bililiqaysta? Dadweynaha Soomaalilaand ma og yahay in lacagtiisa la gu ka la laaluusho oo qabiilooyin loo ka la qaybiyo, tabtii maamulkii Afweyne? Dadka reer Soomaalilaand ma og yahay in dadka dunida ee qayrkeen ahi innagu caawiyaan lacag aad u badan, taas oo aynnu ka barinay si aynnu nolosheenna ummadeed u dhisno? Dadweynaheennu ma og yahay in lacagahaa faraha badan ee dadyowgaa saboolnimadeenna ka naxay innagu caaawiyeen, in yar mooyee, inta kale oo dhan in siyaasigeennu xado?

Dadweynuhu in uu xaqiiqadaa ogaan waayo, oo tuugga dawladeed is ka qaban waayo, oo lacagtiisa ka ceshan waayo, dembigeeda waxaa leh qofka isu yaqaan “aqoonyahan”.

Xaaladda Soomaalilaand ee maanta, tuug siyaasi sheegtaa wuu badan yahay, laakiin aqoonyahan tuugga siyaasiga sheegta tilmaamaa ma jiro.

(3)

Hiilkii Nebi Muuse siiyay addoonkii dadkooda ahaa wixii ka qabsaday waa la wada yaqaan. Muwaaddinow, siyaasiga xumi adiga ku ma xigo, wax dan ahna kaa ma laha. Dawlad wanaagsan oo sharci ah iyo caddaaladdu ma qaybsamaan ee waa mid qudha, waana aad haysataa ama ma haysatid. Haddii aad dawlad wanaagsan iyo caddaalad jeclaan waydo, bani aadamnimadaada nusqaan weyn baa ku jirta.

(4)

Horta dadkeennu sow muslin ma aha? Haa. Sow habeen iyo maalin diin la ga ma hadlo oo la ga ma hadlo? Haa. Diinteennu sow ma ay xarrimin xadista xoolaha umadda? Haa. Madaxda dawladdu si xaaraan ah sow u ma qaataan hantida ay masuulka ka yihiin? Haa. Hantidaa ay boolyeen sow wax ka ma siiyaan madax dhaqameedyada isaga keen dhiga gob maamuus leh? Haa. Iyaga iyo carruurahoodu waxa ay la caloolo waaweyn yihiin sow ma aha xaaraantaa maqdaca ah oo ay ka soo dibbireen? Haa. Sow sidaa ma ay xalaashan oo ma joogtaysan? Haa. Sharci ka ma celiyo iyaguna ka ma xishoodaan sow ma aha? Haa. Maatadii hantidaa lahaydna sow gaajo iyo silic ma daadsana? Haa. Wadaaddadu taa waa ay og yihiin, qayb bay ka yihiin, maxbana ka ma qabtaan, sow ma aha? Haa.

Markaa masuuliyiinta siyaasadda, kuwa dhaqanka iyo kuwa diinta ee sidaa wada ah, waa maxay xukunka sharci, sharceeco iyo akhlaaqeed ee la saari karaa? U gu yaraan waa musuq, tuugnimo iyo faasiqnimo, sow ma aha? Haa. Haddaba qiyamka dhaqan, siyaasadeed iyo diineed ee la haysto oo dhami maxay ku fadhiyaan, dhab ahaan? Waxba. Dawladda, dhaqanka iyo diintuba sow u ma eka wax dadka masaakiinta ah uun la gu xukumo oo la gu addoonsado? Haa.

Xaaladdaa rogmashada ah ee la gu jiro maxaa u dawo ah? Waxaa u dawo ah kacdoon dhulgariir ah oo bulsheed oo wax walba beddela, duni cusubna abuura.

(5)

Harraad, surmi iyo beercaddaad ayay maatadii Soomaalilaand u daadsan tahay. Laakiin budhcadda dawladdoodii afduubtay carruurtoodu ka dheer harraad, surmi iyo beercaddaad. Miyaad dooratay miyay se kaa baqayaan maxay dan kaa ga gelayaan.

(6)

Muwaaddin wal oo la gu dullaystay sharci la’aanta iyo maamulka kelitaliska ah ee Jamhuuriyadda Korkordhinlaand caawa haysta, oo hoos jooga taliska QAQ (Qawlaysatada Afduub Qaran), ogow in aad afduuban tahay oo aadan lahayn dawlad sharci ah.

Danta reer Soomaalilaand oo dhami waa mid qudha: Waa tii ay beri hore doorteen (dastuur iyo golayaal). Doorashadaas oo qudha ayaa ahayd dawlad sharciyeed. Tii meeday?

Caawa waxaa Soomaalilaand haysta kooxo maafiyoobay oo dalka u bixiyay “Korkordhinlaand”, iyaguna ah QAQ. Sinaba sharci u ma aha, dan gooni ah oo aan ta muwaaddinka ahayn ayayna u shaqaysataa kooxda QAQ.

(7)

Ururka Midowga Yurub gar buu u lee yahay in uu innaga tago iyo in uu joojiyo taageerada dhaqaale ee uu ina siiyo, waayo inna ma uu dhalin. Ururkaasi wax uu lacag iyo talaba ku bixiyaa sidii aynnu u hirgashan lahayn dawladnimo ku dhisan xasillooni iyo doorashada dadweynaha. Se waa innagaa galnay budhcadnimo iyo qawlaysatannimo dawladeed. Murtidu waa “Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan”.

(8)

Haddii daacad loo yahay Jamhuuriyadda Korkordhinlaand, wax ha la ga bilaabo in Jimcaha soo socda masaajidda loo ga duceeyo in Ilaahay ka qabto kooxda QAQ.