Aasaasihii Jaamacaddii Ugu Horeysay Adduunka

 

Faadima Bintu Maxamed Al Fahriya Alqurashiya   waxaana laguna naanaysi jiray (Umal Baniin), Waa gabadh carbeed oo ka soo jeeda  tafiirtii Cuqba Bin Naafic Alfahri Alqurashi, oo ahaa ninkii furay Tuunisya, sidoo kale asaasihii magaalada Qayrawaan waana shakhsiyad waarta, xusuusteeduna ay sudhantahay xusuusta dadka kasoo kala jeeda deegaanada kala ah Qayrawaan oo Tunis kutaala, sido kale Faas oo ah dalka Maqrib iyo guudahaanba taariikhda Tunis iyo Morocco, waxa ay dhimaty kudhawaad sanaddii 265Hij, kuna beegnayd 878 Tirsiga  Milaadiga ah.

Waxa ay Faadima Al Fahri, ka soo guurtay iyadoo gabadhyar ah carbtii kasoo hayaamay magaalada ALQAYRAWAAN oo ay u guureen aagaas iyo hawdka Maqrib, waxaanay la dagtay qoyskeedi xiligii u katalin jiray Idiris-ka labaad, ilaa ay ka guursatay oo ay meqaam wanaagsana ku yeelatay deegaankaas, sidoo kale qoyskeeda oo yeeshay hanti aad u farabadan, kadib marka ay shaqo iyo hawlkarnimo badan ay la yimaadeen, wakhtibadan kama so wareegin ilaa u geeriyooday aabaheed iyo saygeeedi mudo kadibana waxadhintay walaalkii oo iyada adeerkeed ahaa, markaa waxa ay nasiib uyeesheen iyada iyo walaasheed oo la odhan jiray Maryam Bintu Muxamed laguna naanaysi jiray Umu Qaasim ooahayd gabadhii dhistay Masaajid Jaamaca Al Andalus ee kuyaal Faa see dalka Morocco in ay xoolobadan ay dhaxlaan. Labadii hablood waxa ay arkeen cidhiidhiga kajira masaajidka Qarawayn sidaa darteed ayay jeclaadeen in xoolihii ay ka dhaxleen aabahood in ay kudhisaan masaajidka, unanoqota khayr iyo sadaqo waarta.

Waxaana dib loo dhisay masaajidkaas cahdigii dawlada Idiriisyada kuna beegnayd bishii Ramadaan ee sanadii 245 Hij, waxaana ay ku kordhiyeen masaajidka dhulkauu ku fadhiyay oo ay u iibisay beer ku xigtay oo ay ka iibsatay nin kasoo jeeda Hawaara, waxaanay u hurtay hanti aad ufarabadan waxaana ay soomanayd ilaa inta dhismaha masaajidka laga dhameenayay, markii la dhameeyey masaajidkana farxad dadrteed kudhex tukatay masaajidka salaatul shukri. Waxaan aytaarikhyahandu sheegaan in aan niis (ciid) iyo biyo ama dhagaxa iyo nuurada lagudhisay masaajidka aan lagasoo qaadin dhul kale ka ay iibsatay mooyaane.

 

Faadima waxa ay ugu horeysay asaaska macahdka ugu horeyey ee bixiya Darajada Heerka Kowaad (Bachular Degree) laguna dhigan jira waxbarashada qaybihiisa kala duwan ama mid maadi ah ama mid diini ahba, oo ilaa wakhti xaadirkan ah shaqeynaysa loona yaqaano hadda Jaamacadda Qarawayn. Waxaana loo aqoonsaday xaruunta aqoonyahanda dadka kunool agaagarka badda Mediterranean-ka waxaany jaamacdu heshay sumacad aad u saraysa.

Dadkii ka aflaxay jaamacda dad badan oo caan waxaana tusaale ahaan ka mid ahaa caalimkii waynaa ee la oodhan jiray Ibnu Khalduun oo ahaa aqooyanahan heerka aqoontiisu aad u  sareyso ahaana asaasihii maadada loo yaqaan cilmiga bulshada  sidoo kale ninkii la odhan jiray Gerber of Auvergne oo markii dambe noqday Baadariga loo yaqaanay  silfister-ka labaad Pope Sylvester II (1009-999) waxaana loo aqoonsaday inuu noqday ninkii  ugu horeyey ee Tirsiga carabiga (Arabic numerals 1,2,3….) iyo eberka(zero , 0..) u gudbiyay qaarada Europe Inteeda kale oodhan.

 

Alla Mahad Leh

W/Q: Abdiqani Abdirahamn Haji Mohamoud (Shariif)

Email: enga.qani@gmail.com