Aadan Dhoolayare Oo Ka Hadlay Loolanka KULMIYE  Iyo Saameynta Uu Dalka Ku Yeelan Karo

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa ka hadlay tartanka murrashixiinta ku loolamaya xisbiga KULMIYE  iyo saameynta uu dalka iyo dadkaba ku yeelan karo. Aadan Dhoolayare Oo qoraal uu ku saxeexan yahay warbaahinta u qaybiyey nuqul ka mid ahina soo gaadhay Somalilandpost ayaa farta ku fiiqay ifafaalaha guud ee ay axsaabta siyaasaddu ku dembeyn doonaan saadaashoodu.

 

Qoraalka Dhoolayare waxaa uu u dhignaa sidan: “Salaan dabadeed,waxaan jeclahay inaan maqaalkan kaga faaloodo sawirka guud ee uu u ekaan doonaan xisbiyada Somaliland iyo musharixiintoodu markay isu soo dhamaadaan ee lagu kala calaf qaado loollamada  ka dhex socda musharraxnimada xisbiyada qaarkood ee ka jira Somaliland. Waxaynu la soconaa inuu weli laallan yahay musharraxa ku soo bixi doona xisbiga Kulmiye oo maanta ah xisbiga talada dalka haya, inkastoo awoodda la kala riixanayo, haddana ma filayo in uu burburayo xisbigu oo  aakhirka cid uun baa u hadhi.

 

Haddaba markay sidaasi dhacdo ee dhawaan la kala calaf qaado  side bay noqon doonta marka saddex musharax oo ka tirsan beelaha dhexe soo baxaan. Xisbiga KULMIYE marka uu ka soo baxo nin Galbeedka Hargeysa ah, Xisbiga UCID-na uu yahay nin Saaxil ka soo jeeda islamarkaana ay kuwada abtirsadaan beel .

 

Waxaan qabaa sida caadiga ah tartanka xisbiyadeenu waxay ku salaysan yihiin qabyaalad ee maaha sida ay u tartamaan reer Galbeedku wey iska beelaysan tahay oo qabiil kama foga arinteenu. Sidaasi darteed, waxay u dhici doonta in culays badan la saari doono musharaxa ka soo jeeda Saaxil oo ay saari doonaan beesha xisbiga Kulmiye musharaxa u ah iyaga oo u fadhiisan doona hab qabiil oo ah sidii la arki jiray taas oo ay noqon doonto hab ku dhisan dhaqankeena oo ah abaal la is dhigto ama la isu sheegto marka wax la kala doonayo. Waxa hubaal ah inaanay dhacayn inay tartamaan labada musharax ee isku beesha ka soo jeeda KULMIYE iyo UCID oo la wada hadli doono,  marka ama musharrax UCID ha tanaasilo ama ha diide, waxaa biyo kama dhibcaan ah in aad loo hadli doono oo waliba beesha musharaxa kulmiye doonayaan in loo tanaasilo oo musharaxa Ucid lagu cadaadiyo inu ka tanaasilo.

 

Musharaxnimada isla marka waxay u egtahay in beeshisii ku qanci doonto codsiga iyada oo loo tirinayo taageeradi badnayd ee ay siin jireen madaxweyne Cigaal ila ay dhacday xata doorashadii Boorame ee uu ku jiray Cumar-Carte inay si cad codkoodi u siiyeen Madaxweyne Cigaal beesha Galbeedka Hargeysa,islamarkaana aynu ognahay inay taageeri jireen ila lixdankii.Taasina tahay amaah ku maqan reer xeebeedka. Musharraxa Ucid waa nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan una qalma inuu musharax iyo madaxweyaba ka noqda dalka laakiin dhaqanka qabyaalada xun ee aynu u dabran nahay ayaa caynakaas u eg. Sidaasi darteed saaxibkay JAMAAL marnaba kalama masuugayo inuu noqdo musharax, laakin macal asaf waa dhaqanka qabyaalada ina burburisay laakin calafku waa halkiisa. Sidaasi darteed waxaynu garan kara inaanu dan u ahayn musharax UCID inuu noqdo musharax Kulmiye nin ka soo jeeda Beesha Galbeedka Hargeysa . Waxaana danta UCID ku jirta inuu noqdo musharaxa kulmiye madaxweyne Siilaanyo ama mid ka tirsan beesha madaxweynaha, Sababtana isu sheegi maynu waayo waxay tahay laba arrimood oo kala ah kow marka hore waxa sharaxan nin ka tirsan beelweynta xulufada la ahayd Siilaanyo oo Jamaal Cali Xuseen ah,taageero balaadhan siin jirtay Kulmiye. mar labaadka waxa qarxaysa cadho ka kacday inuu madaxweynuhu ka baxay balantii beeshaas ay aaminsanayeen inuu musharax ka mid ahi ku tartami doona xisbiga kulmiye sidaana ay dad badani u diga rogan doonaan xisbiga UCID.

 

Hadaba arin kale oo ah inay sadexda musharax ee xisbiyadu yihii niman beelaha dhex ka soo wada jeeda, waxay ku qurux badnayd in xisbi ka mid ah uu musharax ka noqdaan beelaha kale. Waliba aragtidayda ay ku haboon tahay in xisbiga UCID uu ka noqdo Musharax reer Awdal ahi. Sidaana aan filayo haddii sidaan sheegay cadaadis labada beelood isa saaraan ay tahay sida keliya ee uu ku badbaadi karo xisbiga UCID kuna tartami karo waliba ay kasban doonaan taageerayaal badan.

 

Si kastaba ha noqotee, waxaan ka cudur daaranaya haddii ay jirto cid dhibsata qoraalkan inay tahay aragti ka madax-banaan cid kale isla markaana u jeedin cidna ay tahay sidaan qabo inay noqon doonto doorashada iyo tartanka madaxtinimo ee dalku. Waxa laga yaaba inay dad baddani qabaan inuu dhici doono qarax saamayn ku yeelan karo waddanka tartamayaasha xisbiga kulmiye,waxaan aaminsanahay inaanay wax colaad ah ka dhacayn waayo dadku way og yihiin dagaal iyo dhibaatada uu leeyahay waana shacab ka bislaaday hiil iyo qaraabo kiil colaadeed. Waxaan aynu u soo joognay in Siilaanyo lagu qanciyay in 80 cod lagaga helay tartanki hore. haddii ay ciddi ku guuldareysato tartanka dhaca ma jirayso colaad iyo dagaal laga baqo ee waxay ku koobnaan doonta cidda laga guulaysto.” musharaxnimada isla marka waxay u egtahay in beeshisii ku qanci doonto codsiga iyada oo loo tirinayo taageeradi badnayd ee ay siin jireen madaxweyne Cigaal ila ay dhacday xata doorashadii Boorame ee uu ku jiray Cumar-Carte inay si cad codkoodi u siiyeen Madaxweyne Cigaal beesha Galbeedka Hargeysa,islamarkaana aynu ognahay inay taageeri jireen ila lixdankii.Taasina tahay amaah ku maqan reer xeebeedka. musharaxnimada isla marka waxay u egtahay in beeshisii ku qanci doonto codsiga iyada oo loo tirinayo taageeradi badnayd ee ay siin jireen madaxweyne Cigaal ila ay dhacday xata doorashadii Boorame ee uu ku jiray Cumar-Carte inay si cad codkoodi u siiyeen Madaxweyne Cigaal beesha Galbeedka Hargeysa,islamarkaana aynu ognahay inay taageeri jireen ila lixdankii.Taasina tahay amaah ku maqan reer xeebeedka.

 

Somalilandpost, Hargiesa Office, 2015