Aabo ka Sheekeeyey Wiil uu Dhalay oo Laga Badbaadiyey Nin Berbera ka Xaday

Berbera (SLPOST)- Wiil yar oo lagu magacaabo Najiib Axmed Faarax, ayaa shalay laga reebay nin Itoobiyaan ah oo ka xaday xaafadda Laba Qow ee magaalada Berbera, iyadoo dad muwaadiniin ahi qabteen ninkaas oo xoog ku jiidanaya ilmaha yar oo da’iidiisa lagu sheegay lix sanno jir.

Berbera-city

Sheekh Axmed Faarax Maxamed (Daarasalaam) oo ah aabaha dhalay wiilka yar ee la isku dayey in la xado ayaa weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Saaxil uga waramay sida ilmaha yar lagu qabtay, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ilaahay u badbaadiyey wiilkiisa yar ee la doonayey in la xado.

“Walaal, arrintaasi way jirtaa oo iminka saldhigga booliska  ayaa ka imi, wiilkaygiina wuu ila joogaa, waannu caafimaad qabaa sida ka muuqata naxdin yar oo ku jirta mooyaane, arrintaasina waa mid Ilaahay loogu mahadnaqo in wiilkayga laga badbaadiyo ninka doonayey inuu xado.” Sidaa waxa yidhi aabaha wiilka yar dhalay oo imam ka ah masaajidka weyn ee Markiska magaalada Berbera.

Weriyaha oo Sheekh Axmed Daarasalaam weydiiyey xilliga wiilkiisa ugu war dambaysay iyo xilliga uu ogaaday in la xaday, waxa uu yidhi; “Inankaygu waa lix jir, waxaana iigu war dambaysay subaxnimadii maanta (shalay) markii aan guriga ka soo baxay. Markaa abaaro sagaalkii subaxnimo markay saacadu ahayd ayaa la ila soo hadlay anigoo ku sugan masaajidka Markiska oo aan imam ka ahay, waxaana la ii sheegay in wiilkaygii yaraa lagu hayo saldhiga booliska ee dekedda Berbera, markaas waan rumaysan waayey oo waxaan dadkii ila soo hadlay ugu jawaabay; ‘waar aniga inankaygu wuxuu joogaa gurigooda.’ intaas ka dib telefoono badan baa ila soo hadlay oo uu ku jiro taliyaha saldhiga boolisku, waannu ii yeedhay, sidaas ayaanan ku tagay saldhiga. Kadib waxa la i weydiiyey wiilkaas yar ma garanaysaa, anigoo naxsan ayuu inankaygiina dhinacayga u soo cararay, isagoo naxsan oo daal iyo dhidid badan ka muuqo.”

Aabo Axmed oo weriyuhu weydiiyey tallaabada uu markaas qaaday, waxa uu ku jawaabay; “Intaas ka dib, aniga ayaa afkayga ula tagay nin Oromo Itoobiyaana ah oo gacan go’an, waxaanan weydiiyey xaga uu wiilkayga ka keenay, waxaannu iigu jawaabay; ‘Walaashay ayaa dhashay oo abti ayaan u ahay, iyadaanan ku waday ee wiilkaagii maaha, arrintaasina mucjiso ayey igu noqotay, markaas ayaan laba dumar ah iyo nin saldhiga joogay oo la ii shay inay iyagu ilmaha yar soo badbaadiyeen ka waraystay sida wax u dhaceen, waxayna ii sheegeen inay arkeen ninka Oromada ah oo gacanta jiidanaya wiilka yar, kadibna laba dumar ah ayaa ka shakiyey ninka muuqaalka foosha xun ee inanka yar wata, waxayna ii sheegeen in nin ay garanayeen ka codsadeen inuu ninka Oromada ah weydiiyo halka uu ilmaha yar ka keenay iyo dhinaca ay u socdaan, markii intaas la weydiiyeyna wuxuu ugu jawaabay; ‘inanka yar waxa dhashay walaashay oo aan u wadaa.’ Kadibna ninkii muwaadinka ahaa wuxuu ka reebay wiilkayga ninka xadayey, sidaas ayaana lagu badbaadiyey, ninkii Oromada ahaana lagu xidhay.”

Falka isku dayga ah ee la doonayey in lagu xado wiilka yar ee lix sanno jirka ah, ayaa walaac iyo naxdin ku beeray dadweynaha ku dhaqan Berbera, iyadoo laga shakisan yahay in ninka Oromada ahi xidhiidh la leeyahay shabakad carruurta yaryar ka ganacsatada.

Xigasho-jamuuriya