90 Tahriibayaal Soomali ah oo laga soo badbaadiyey Badda Mediterranean

Tripoli (SLpost)-Ciidamada Xeebaha badda Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay 90 soomaali ah oo ku go’doonsanaa badweynta Mediterranean-ka.

Qaar kamdi ah dadkan la soo badbaadiyay oo BBC-da wareysi siiyay ayaa waxay sheegeen in matoorka doonti ay saarnaayeen uu istaagay isla markaasna uu ka go’ay saad wixii ay wateen.

Tahriibayaashan ayaa waxay sheegeen ineey kasoo dhaqaaqeen caasimadda liibiya ee Tripoli, ayna u soo socdeen xeebaha Talyaaniga si ay u gaadhaan qaar ka mid ah dalalka EUROPA.Soo badbaadinta tahriibayaashan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada xeebaha talyaaniga iyo Libya.

Bishii hore ee sannadkan waxaa xeebaha talyaaniga iyo liibiya u dhaxeeya ku dhintay 54 Soomaali ah kadib markii ay isku dayeen inay u dabaashaan xeebta talyaaniga oo aad uga fogeyd ka dib markii ay ka halaawday dooni ay saarnaayeen.

Cabdi amiin cumar oo ahaa wadihii doonta ay saarnaayeen 54 qof ee Soomaalida ah ayaa BBC-da u sheegay in ay soomareen waqti halis ah qatarna ay galeen“Afar maalin ka hor ayaa nagala soo saaray badda managaraneyno meesha aan hada ku wajahanahay iyo meesha aan ku suganahay, kaliya waxaan xasuusanaa oo wali na hortaagan mugdigii badda” sidaa waxaa BBC-da u sheegay mid ka mid ah dadkii la soo badbaadiyay.Dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa ku jira dad qaba dhaawacyo halis ah sidoo kale waxaa ku jirta haween uur leh.

Tahriibayaashan ayaa dhowr mar isku dayay inay telefanka kula soo xidhiidhan saraakiisha talyaaniga iyo liibiya balse nasiib xumo waxaa ka dambay batariga.

SOMALILAND POST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND