85-Jir Mucjisooyin Cajiib ah La Kulmay iyo Xog-warranka Dhibaatooyin Rabbaani Ah Oo Lagu Dul-furay

Baraagaha-Qol (SLpost)- Cid eersan maayo, umana nisbaynayo inay kula kaceen dhibaatooyin aar-goosi ama kuwo uu isagu gadaal kaga aarsan karo, hase-yeeshee, waxa uu la kulmay Mucjisooyin uu ku qanacsan yahay, isla markaana uu u gaar-yeelay inay kaga imanayaan meel Allaah xuma ka nasahane uu og-yahay oo aan Aadame farta ku fiiqi garan karin.

Odayga Mucjisada ahMaxamuud Xasan Aw Raage, waa Aabbo 85-jir ah, waxa uu guursaday laba Haween ah, waxa uu dhalay 15 Carruur ah oo kala ah Siddeed Wiil iyo toddoba Hablood, waxa uu ku nool yahay Deegaan ka tirsan gobolka Sanaag oo lagu magacaabo Baraagaha-Qol, waana Xoolo-dhaqato inta badan noloshiisa nabad ku bariisan jiray, kuna gabbal-dhacsan jiray. Hase-yeeshee, waxa uu dhawaan la kulmay mucjisooyin Rabbaani ah oo aan hore loo arag inta la xasuusan karo, isagana ugub ku ahaa oo uu xusay inaanu xataa sheeko ku maqal Mucjisooyin kuwa qabsaday oo kale ah ama la mid ah.

Mucjisooyinka Maxamuud ayaa muddo toddobaad ka badan Biyo aan Aadamuhu qiyaasi karin, isla markaana aanay arkaynin meesha ay ka imanayaan ku socdeen oo lagu shubayey, waxaana markii dambe biyahaa loogu beddelay Dab xataa Dharkiisii, Xeradii Xoolaha iyo Guryaha ay qosku ku jireenba gubay, Dabkaas oo uu sheegay inaanu garan karin meesha uu ka imanayey, hase-ahaatee, uu u arko Amar Allaah oo aanu bina-aadam u nisbayn karin.

guriga gubtayHaddaba, Wargeyska Himilo, ayay u suuragashay inuu Khadka Taleefanka ku waraysto Aabbo Maxamuud Xasan Aw Raage oo Haweenay ka mid ah dadka u gurmaday naga saacidday inaannu ku helno Taleefanka gacanta oo ay sidatay, waxaanu Maxamuud Mucjisooyinka qabsaday, qaabka ay u dhaceen iyo waxa uu dareemay uga warramay Wargeyska Himilo.

“Waxa igu dhacay waxaa aad maqasheen oo ah Qaddar Illaahay iska leeyahay, marna Biyaa la igu shubayey in muddo ah, marna Dab baa la bilaabay!. Laakiin, dad wax kuma gaadhin, duunyana wax kuma gaadhin, Lafahayguna wuu itaabay Dabku, laakiin waan ladnahay, Illaahay idankiisa Adduunku ma badnayn wixii yaraa ee joogay Illaahay wuu badbaadiyey. Dad iyo duunyo dhibaato aynaan arki jirin maqlina jirin baa igu dhacday, nabar-yar oo dab ah baa I gaadhay, dadka kale ee qoyska Illaahay idankiisa wuu ka badbaadiyey.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xasan Aw Raage oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ku dhacay.

Maxamuud oo la weydiiyey taarikhda Mucjisadu ku bilaabantay iyo siday ugu bilaabantay, waxa uu sheegay inay laba toddobaad ka hor ahayd marka lagu bilaabay, waxaanu yidhi; “Laba toddobaad ayay ahayd markii Biyaha la igu bilaabay, dhawr cisho markii ay biyuhu igu socdeenna Dabkaa ii xigay.”

Waxa Maxamuud la weydiiyey sida ay Biyuhu ugu bilaabmeen, xaggay kaga imanayeen, qabaw iyo kulayl waxay ahaayeen, waxa uu ku jawaabay; “Habeen iyo maalin way igu soconayeen Biyuhu, waa la igu dhufanaayey, meel aan hadda kuu caddeeyo oo idhaahdo halkaas ayay igaga imanayeen ma garan karo, laakiin Biyahaasi waa igu dhacayeen meel ay igaga imanayaanna ma arki karo. Biyuhu intay igu dhacayaan Qabaw bay ahayd oo qabaw baan dareemayey intay igu socdaan, markay iga qaadaanna waan iska diirsanayey. Markay dhawr cisho igu socdeen Biyahaasi Dabkaa la igu bilaabay.”

Maxamuud oo la weydiiyey sida uu u caddayn karo Dabka ku dhacaya oo Gurigiisa iyo Xerada Xoolaha-ba gubay dushiisana uu sheegay inuu ku dhacayey inuu ahaa dab caadi ah iyo mid Rabbaani ah iyo weliba sida uu u bilaabmay, waxa uu yidhi; “Dabka ma caddayn karo, Dab ayuun buu ahaa la hubo oo dhuxulo ah oo caadiga aynu u aragno ah. Laakiin, meel uu ka yimaaddo Illaahay mooyaane anigu ma arkayn, waana igu dhacayaa, waana dab xagga Illaahay ka soo dhacaya ee Dabkaynu arki jirnay oo kale maaha Dabkaasi dab cidi tuurayso iyo mid si kale ku imanaya maaha ee waa mid Illaahay og-yahay. Waxaanu Dabkaasi hor iyo horraan Adhiga duleedkiisa ayuu ku bilaabmay, Adhigii oo Xerada ku jira ayuu Dab yar-yari duleedka kaga bilaabmay, Guriga reerku degganaa ayuu haddana ku bilaabmay gurigaa hore ee reerku ku jiray wuu baabbay. Aqalkaa ka baxsaday, aqalkana markii Gurigan kale la keenay ayuu wada gubtay.”

“Markuu aniga Dabku igu dhacay Salaatul Khoof (Salaadda Cabsida), ayaan Tukanaayey, markaan Salaatul Khawfkii meel cidla ah ku galay ayuu Dabkaasi aniga igu bilaabmay, meel uu igaga soo dhacayna ma arkayn, Cidhibta ayaa Dhuxul adag oo kulul la iga saaray, dabadeedna Salaaddii waan ka baxay, Dharkii aan xidhnaa ayaa dabku gaadhay oo gubtay. Marka hore Xerada Adhiga ayuu ku bilaabmay, maalintii dambe Xerada oo dhami way gubatay, Guryaha dabka ku gubtay waa saddex.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud waxaanu sheegay inay saddexda Guri ee Dabkaa ku gubtay kala yihiin Guri Wiil uu Soddog u yahay iyo Laba Guri oo labadiisa Xaas oo midkood da’ hadda tahay ay degganaayeen.

Waxa kale oo uu Maxamuud sheegay in hadda saddexdaa qoys deggan yihiin meel cidla ah oo aanay guryo ku jirin oo guryohoodu wada gubteen. Waxa la weydiiyey Maxamuud inay halkaas ka guurayaan iyo inay sii degganaanayaan midka u qorshaysan, waxaanu yidhi; “Waa iska degganaanaynaa, meelna uga guuri mayno, wixii Illaahay iyo Islaamku noo keenana waannu ku sugaynaa.”

“Meel la iiga yimi Illaahay ayuun baa og laakiin anigu garan-waayey. Da’daydu waa siddeetan iyo shan jir inta la hubo. Carruurtu waa 15, waa siddeed Wiil iyo toddoba Gabdhood. Waana laba Bohood.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xasan Aw Raage oo ka jawaabay dhawr su’aalood oo noloshiisa laga weydiiyey.

Dadka Deegaanka ee u Gurmaday Qoyskaa Mucjisada la kulmay, ayaa sheegay in arrintani ay socotay muddo laba toddobaad ah, isla markaana Biyuhu ay gaar u ahaayeen Aabbo Maxamuud, hase-yeeshee, uu dabku saameeyey Xeryaha Xoolaha iyo Guryaha qoyska oo dhan, kuwaasoo bogcaddii koowaad markii laga raray tii labaadna uu Dabku ku qabsaday.

Culimada Diinta ayaa Qur’aan ku Akhriyey guud ahaan Qoyska, isla markaana u soo jeediyey inay Alla-bari sameeyaan oo ay Ducaystaan, Ducadaas oo la sameeyey, Culimaduna ay ka qayb-qaateen Ducada, Qur’aanka Kariimka ahna lagu akhriyey, dadka jaarka, ehelka iyo dadka kale ee u Gurmadayna ay ka qayb-qaateen oo ay si aad ah ugu duceeyeen, iyagoo arrinta ku tilmaamay Mucjiso ka mid ah Mucjisooyinka uu Illaahay Aadamaha Adduunka ku tuso. Inkasta oo ay maalmahan u dambeeyey ka joogsadeen arrimahaas layaabka leh ee Maxamuud iyo Qoyskiisa qabsatay.

XIGASHO: Himilo