80 Qof Oo Lagu Dilay Magaalada Dekeda Ah Ee Cadan

Cadan, (SLpost)- Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu dilay magaalada dekada ah ee Cadan ee dalka Yemen, kuwaasoo ku naf waayay dagaalka u dhexeeya, taageerayaasha madaxweynaha dalkaas Abd-Rabbu Mansour Hadi iyo kooxda Xuutiyiinta.Yemen

Dadka dhintay waxa ka mid ah 40 muwaadiniin u dhashay dalka Yemen, kuwaasoo isku dayayay inay ka qaxaan dagaalkaas, maanta oo arbaca ah, sida ay qortay wakaallada wararka ee Reuters.

Dad gaadhaya 50 qof oo barakcayaal ah oo saarnaa doon ay doonayeen inay ku tagaan, iyagoo ka tagey deegaanka al-Tawahi, kuna sii jeeday  deegaanka lagu magacaabo al-Buraiqa oo ku taala galbeedka dalkaas.Yemen1

Dadkan ayay isku dul laayeen kooxda Xuutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynihii ay kooxdaas shiicada ahi xilka ka tuureen ee Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Dadka dhintay ayaa sidoo kale waxa ku jiray sarkaal ka tirsan ciidanka dalka Yemen, waxaanay wararku intaas ku darayaan in sidoo kale ay dagaalkaas ku dhinteen 30 ka mid ah kooxda Xuutiyiinta iyo toban ka mid ah dadka deegaanka ee taageersan madaxweynaha xilka laga tuuray Abd-Rabbu Mansour Hadi

Dagaalkan u dhexeeya xulafada uu hogaaminayo dalka Sucuudiga iyo kooxda shiicada ah ee Xuutiyiinta oo taageero ka helaya dalka Iran ayaa bilaabmay 26 bishii March, ka dib markii ay kooxdaasi xilka xoog kaga tureen madaxweynihii dalkaas Abd-Rabbu Mansour Hadi, waxaanu dagaalkaas ay Sucuudigu ku macneeyeen inay doonayaan inay xilka kusoo celiyaan madaxweynahaas oo beesha caalamku taageersan tahay.

Somalilandpost.net