Madaxweynaha la doortay oo kulan la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIrro iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan.
FB_IMG_1511442280202Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI dhexmaray oo ka dhacay duleedka Aaska marxuum Axmed Yaasiin Gabi-xaddi oo maanta lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa oo ay labadooduba ka qaybgaleen, waxana ay kulankaas madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ku muujiyeen inay diyaar u yihiin wada-shaqayn iyo ka wada qaybqaadashada qarannimada Somaliland.
FB_IMG_1511442294451Madaxweynaha iyo wehelinayeen xubno kamid hoggaanka KULMIYE, wasiirro iyo dadweyne kale oo aad u tiro badani, ayaa si kal iyo laab ah u qaabilay dhammaanba xubnihiii katirsanaa xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayey Cabdiramaan Cirro, waxana uu u sheegay inuu u baahan yahay sidii loo abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo labada dhinac dhexmara, si loo xoojiyo midnimada umadda.
FB_IMG_1511442363442Kulanka madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isagu ahaa murrashaxii jagada madaxweynaha xisbiga uga qaybgalay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, ayaa marag ka ah sida ay dhammaanba shacabka reer Somaliland iyo masuuliyiintoodu diyaarka ugu yihiin xoojinta midnimadooda iyo isku duubnidoodaba.

FB_IMG_1511442302019FB_IMG_1511442346023