54 Arday oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Culuumta Badda Ee Berbera

 

Berbera(SLpost)-Madal aad u qurux badan oo ay ku qalinjabinayeen 54 arday oo bartay culuumta badda ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadaas oo ku taal magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Munaasibaddan oo ahayd mid si aad ah loo soo abaabulay ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno wasiirro ah, maamulka dekada Berbera, maareeyaha haamaha shidaalka, xildhibaanada golaha deegaan, waalidiinta iyo ardayda.

Ugu horayn gudoomiyaha jaamacadda barashada culuumta Badda ee Berbera Kabtan Cabdiraxmaan ayaa sheegay faa’iidooyinka ay ardaydani u yeelanayaan qaranka iyo sida au u soo tababarteen, isaga oo hawlahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan mahad weyn u dirayaa maareeyaha dekada Berbera oo ardayda u sahlay in ay tababar ku soo  qaataan marka ay doonaan markabbo uu u diyaariyay oo u ogolaaday, markaa ardaydani waa arday dhisan oo si fiican wax u soo bartay qarankoodu wax wacan ku soo kordhin doona”

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta ahna guddoomiyaha gudida sare ee jaamacaddan ayaa isaguna madasha ka hadlay oo ka waramay muhiimada cilmigani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dunidababa waxaannu u mahadnaqay dhammaan macalimiinta, shaqaalaha iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay in ay ardaydani soo baxaan. Wasiirka waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan si diiran u hambalyeynayaa ardayda, waalidiintooda, macalimiintooda iyo intii ka qaybqaadatayba. ILLAAHAY Khayraadka uu inna siiyey waxa ka mid ah hawada iyo badda. Hawada iyada waynnu cashuurnaa oo cid kasta oo marta waa la garanayaa laakiin biyuhu way dayacan yihiin, balse ardaydan baa daboolli doonta baahidaas”

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Faarax Cilmi Geedoole ayaa ardayda hambalyo u diray macalimiinta iyo maamulka jaamacaddana u mahadnaqay.

Wasiiru dawlaha wasaaradda Maaliyada Cismaan Saxardiid Caddaani, Wasiir ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi, Duqa Magaalada Berbera, Maareeyaha Dakada iyo Maareeyaha haamaha shidaalka ayaa dhammaantood ardayda ku hambalyeeyay dadaalka ay soo mareen iyo faa’iidooyinka ay qaranka u leeyihiin.

Maareeyaha Dekadda Cali Xoor Xoor ayaa balanqaaday in uu arday dhawr iyo toban qof ah shaqo siin doono oo ay ka hawlgali doonaan dekadda magaalada Berbera.

 

Somalilandpost.net, Office