52 sano ka hor xoriyadii luntay somaliland waxay naawilaysaa ictiraaf caalami ah

Marka ugu horaysa mahad oo dhan waxa iska leh Alle oo inagu gaadhsiiyay maalintan qaaliga ah nabad iyo barwaaqo.
Waxa aan qalinka u qaatay in aan kalmado kooban ka yidhaahdo maalinta xusuusteedu aanay ka bixi doonin umada reer somaliland.
Haddii aan taariikhda dib u raaco, waxa ay ahayd bishii June 26keedii 1960kii markii ay somaliland oo wakhtigaa la odhan jiray pritish somaliland protectorate ay xoriyadeedii ka qaadatay maxmiyadii ingiriiska.
Heshiiskii lagu gaadhay gaadhay Berlin ee dhigayay in la qaybsado dhulka afrika ayaa horseeday in wadamo badan oo reer yurub ahi ay u soo baratamaan khayraadka dhulkaasi, somaliland-na kama madhnayn taasi. Sanadkii 1884kii ayaa dowlada ingiriisku qabsatay dhulka somaliland.
Dadkii reer somaliland ee gumaysigu qabsaday waxa lagu khasbay in ay u shaqeeyaan maxmiyadii ingiriiska, qaar kale waxa loo qaaday london iyo cadan si ay halkaasi uga soo shaqeeyaan, halka kuwo kalena lagu amray in ay ka shaqeeyaan dhulka somaliland.
Waxa bilowday wakhtigaasi dadaalo ay qaadayeen dadkii aqoonyahanka ahaa ee xiligaasi noolaa, kuwaasi oo lagaga gilgilinayay in mar uun la iska xoreeyo boqortooyadii ingiriiska.
Aqoonyanhankii wakhtigaasi horkacayay halganka gobonimo-doonka ee umada somaliland waxa ugu horeeyay Abwaan C/laahi Suldaan Timacade iyo Maxamed xaaji Ibrahim Cigaaal. Bishii may 25keedii 1960kii ayaa wafti uu hogaaminayay Marxuum Maxamed xaaji Ibrahim Cigaal waxa ay u baqooleen dalka boqortooyada ingiriiska si ay u soo saxeexaan heshiis dhigayay in somaliland xoriyadeeda uu siiyo ingiriisku taariikhdu marka ay tahay bisha soo socota ee June 26keeda 1960ka.
Halgan dheer ka dib somaliland waxa ay xoriyadeeda ka qaadatay maxmiyadii ingiriiska 26 June sanadkii 1960kii.
Magaalada caasimada ah ee Hargaysa ayaa noqotay meeshii ugu horaysay ee calan soomaaliyeed laga taago dhulka ay somalidu dagto oo dhan.
Sida ay ii sheegeen Odayaal caan ka ah magaalada Hargaysa oo aan la sheekaystay waxna ka waydiiyay habeenkaasi 26kii june oo ay goob-joog u ahaayeen, waxa ay xaflad balaadhan ka dhacday fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada hargaysa.
Ugu horayn xaflad lagu dajinayo calanka ingiriiska ee mudada dheer taagnaa laguna sudhayo calanka buluuga ah ee soomaaliyeed oo ay somaliand wakhtigaasi lahayd ayaa ka dhacday halka uu imika ku yaaloMasjidka Ibraahim dheere ee magaalada Hargaysa oo isla goobtaasi markii dambe loogu magac-daray maalintaasi 26JUne.
Waa goor casar ah saacadu waa 5:00 galabnimo , goobtuna waa masjidka ibraahim dheere, taariikhduna waa 26 June 1960kii, maalintuna waa  waxa goobtaasi ka gabyaya Abwaan Timocade oo ay dadka oo dhami dhagaysanayaan isaga oo leh Kaana Siib Kana Saar.
Markii calanka ingiriiska dhulka la soo dhigay ee ka somaliland la sudhay ayaa waxa ilmeeyay badhasaabkii ingiriiska ahaa ee haystay dhulka somaliland, oo ka ooyaya kana tiiraanyayasan calanka ingiriis ee dhulka la dhigay iyo shacabka somaliland oo u ooyaya calanka soomliyeed ee la sudhay, waxaana bilaabmay roob mahiigaan ah kaas oo ay dadku dareemi waayeen qiiro iyo farxad darteed. Waxa goobta Masjidka Ibraahim dheere ku yaalo oo xafladu ka dhacaysay taagan oo salaan sharaf la siinayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee soomaliyeed ee dhul somaliyed oo xor ah maamula alle ha u naxariistee waa marxuum Maxamed xaaji Ibrahim Cigaal.
Intaa ka dib, waxa loo baqooley fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargaysa oo ay ka dhacaysay xafladii balaadhnayd ee maalintaasi lagu waynaynayay. Abaaro 12:00 habeenimo oo buuxda ayaa si rasmiya looga taagay magaalada hargaysa calankii ugu horeeyay ee laga taago dhul soomaliyeed, iyada oo magaalada hargaysina nasiib u heshay in ay noqoto caasimadii ugu horaysay ee  dhul somaliyed ugu hor xorowda.
Alle ha u naxariistee gabayaagii waynaa Abwaan C/laahi Suldan Timacade waxa habeenkaasi xornimada fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada hargaysa uu ku alifay isla goobta dhexdeeda mid ka mida maansooyinka soomaaliyeed ee loogu jecel yahay, taariikhdana galay waa gabayga “Kaana Siib Kana Saar ” kaasi oo si wayn uga oohiyay, ugana qiiraysiiyay dadkii goobtaasi ku sugnaa oo dhan.
Alle ha u naxariistee C/laahi Suldan Timocade oo tilmaamaya halganka loo soo galay maalintani iyo qiimaha ay u leedahay umada soomaliyeed,
Bal aan ka soo qaato dhowr bayd oo ka mid ahaa gabaygii uu tiriyay habeenkaasi Timocade ee dadka ka ilmeysiiyay:
Nimankii na Siraayaye                Waax-waax noo kala saaftaye
Solanaayey cadkeenna e            Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray              Kii sedkeenna Cunaayaye
Sarartiisa ka muuqdaye              Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo               Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo        Mid baabuurka safeeyiyo
Aayad saarta carruuurtiyo           Sagaal boy iyo kuug iyo
Weliba seeksa lahaa                   Kii saabaanka u laabayow
Saaxirkii kala gaurraye               Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e              Kaana siib kanna saar
Mudo afar maalmood ah ka dib, somaliland waxa ay la midowday soomaliya oo talyaaniga xoriyadeeda ka qaadatay 1 luulyo (july) 1960kii.
Midow aan la mahadin ka dib, somaliland waxa ay u hilowsanayd in ay mar uun isku keento shantii soomaaliyeed ( Somaliland, Somalia, Jabuti, NFD kenya, Gobolka ismaamulka somalida Ethiopia) taasi oo noqotay hal bacaad lagu lisay.
Mar kale 1dii July 1960kii ayay somaliland wado halaq-mareen ah dhabaha qaaday, waxa aanay god madow ku riday xoriyadii ay heshay afar cisho ka hor( 26 june 1960kii).
Halgan aad u qadhaadhaa oo mood iyo nool-ba loo huray, waxa ay shacabka reer somaliland ku guuleysteen in ay la soo noqdaan xoriyadii godka bahal-galeenka ah ku dhacday.
Shir balaadhan oo ay gadh-wadeen ka ahayd SNM ayaa lagaga dhawaaqay magaalada burco 18 bishii may 1991 in somaliland tahay dal madax banaan oo gaar iskaga taagay wixii la odhan jiray somalia.
Laga soo bilaabo taariikhdaasi ilaa maanta, somaliland waxa ay ku guulaysatay in ay dalka ku soo dabaasho nabad waarta, cadaalad iyo sinaan,garsoor iyo saxaafad madaxbanaan, horumar laxaadleh, maal-gashi caalami ah, xidhiidh qoto dheer oo ay la samaysay dowladaha jaarka iyo caalmkaba, doorashooyin dimuqraadiya oo bilaa xag-xagasho iyo xanaf lan’aan ah, afar dowladood iyo afar madaxweyne oo xilalka si salmi ah ula kala wareegay oo rayaale iyo siilaanyo ugu dambeeyeen.
Somaliland iyo somalia oo maanta wada-hadalo u bilaabmeen waxa aan ka filaynaa in aynu si dagan oo walaalnimo ku jirto u kala dhaqaaqno, iskuna soo ducayno, kana shaqayno sidii aynu u noqon lahayn inaga iyo walaaleheen somalia laba dal oo is ictiraafsan, jaar ah, is kaashada oo nabad iyo deris wanaag ku wada naalooda.
Ugu dambayn, waxa aan shacabka somaliland ugu baaqayaa in ay samir iyo adkaysi u yeeshaan ictiraafka, ha dhawaado ama ha dheeraado’e waxa aan si niyadsami leh ugu kalsoonahay in aynu heli doono aqoonsi caalami ah oo degdega, kana mid noqon doono beesha caalamka, calankeenana laga taagi doono jimciyada quruumaha ka dhaxaysa.
Shacabkayga somaliland hambalyo, farxad ku noolaada, jooga oo jira waligiin.

Mahadsanidin!
Qalinkii: Hamse Haaji Mohamed (Rantiisi)
Email: rantiisi_15@hotmail.com
Mobile: 4426129