45 Carruur Jinsiyaddoodu Yuhuud Tahay Ayaa Sannad Gudihii Loo Bixiyey Maxamed Iyo Axmed

Hargeysa(SLpost)Muddooyinkii u dambeeyey waxaa Israa’iil ka socday doodo iyo dareenno la xidhiidha magacyada loo bixinayo ubadka dhalanaya oo dabcan sharciga Israa’iil u aqoonsan yahay in ay yihiin Yuhuud, xitaa haddii aanay isir ahaan ka soo jeedin dadka Yuhuudda ku abtirsada, sida Carabta Israa’iil iwm.

Warbixinaha caafimaad ee rasmiga ah ayaa muujinaya in sannadkii u dambeeyey carruurta ku dhalatay Israa’iil 45 ka mid ah loo bixiyey Muxammed, 11 loo bixiyey Axmed, 6 carruur ahna loo bixiyey magaca Cabdi oo uu la socdo mid uun ka mid ah magacyadda Alle (SWT).

Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay oo wargeyska Al-Cukaaz ee ka soo baxa dalka Sucuudigu uu ka soo xigtay shabakadaha wararka ee Israa’iil ayaa intaas ku daraya in toddobaad ka hor waaxda Tiro-koobyada Israa’iil warbixin ay faafisay ku caddaysay in magaca Axmed uu yahay ka ugu badan ee sannadkii hore loo bixiyey carruurta dhalatay, kaalin sarana uu kaga jiro guud ahaanba magacyada muwaadiniinta Israa’iil, waxaana la baxa Carabta Israa’iil oo loo aqoonsan yahay muwaadiniin. Laakiin arrinta yaabka imika yeelatay ayaa ah in carruurtaas tirada badan ee magacyadan loo bixiyey ay sannadkan dheerayd in 45 carruur ah oo jinsiyaddoodu Yuhuud tahay loo bixiyey Muxammed, taas oo macnaheedu yahay in labadooda waalid midkood Yuhuudi yahay, sidoo kale 11 carruur ah oo iyaguna Yuhuud jinsiyaddoodu tahay ayaa loo bixiyey Axmed. Sannadkii kaas ka sii horreeyey ee 2014 kana isku-darka carruurta Israa’iil ee Carabta ah iyo kuwa Iska-dhalka ah ee loo bixiyey Muxammed waxa ay gaadhay 2’650.

Arrintani waxa ay muujinaysaa in ay kordhayso tirada kala guursiga Yuhuudda iyo dadka Carabta ah ee Israa’iil ku dhaqan, arrintaas oo aad uga cadhaysiisa kooxaha u dhaq-dhaqaaqa ilaalinta saafinimada JinsiyaddA Yuhuudda, iyo kuwa ku dooda in Israa’iil ay noqoto dal Yuhuuddu gaar u leedahay. Waxaa iyaguna arrintan walaac weyn ka muujiyey xisbiyada xag-jirka ku ah diinta Yuhuudda iyo kooxaha la dagaalama is-dhex-galka Yuhuudda iyo Carabta.

Xigasho Geeska Afrika

Â