5-Nin Oo la Sheegay in Ay Ka Tirsan Yihiin Jabhadda ONLF Hubkii iyo Gaadhii Ay Wateen Oo La Qabtay

Sayla(SLPOST) Shan nin oo la sheegay inay ka mid yihiin Jabhadda ONLF ee ka dagaalanka dalka Itoobiya,gaadhi iska-rogo ah iyo hub iyo noocyo kala duwan oo rasaas ah,ayaa lagu soo qabtay deegaanka Sayla.

download (6)

Nimanka la sheegay inay ka tirsan yihiin Jabhadda ONLF, ee booliska Somaliland gaar ahaan qaybta booliksa gobolka Hawd ay gacanta ku soo dhigtay,ayaa la sheegay in lagu qabtay buur yar oo ku taalla deegaanka degmada Sayla ee gobolka Hawd,halkaasoo la shegay in sadex nin oo kale isla galabta in lagu qabtay oo hubasyan.

Qabashada sadexda nin ee hore ka dib ayay ciidanka Boolisku ka hawl galeen deegaankii ragga 3 da ah lagu qabtay iyadoo xilli maqribkii ku dhaw isla caawana goobtii lagu qabtay shan nin oo hubaysan, gaadhi   Iska-rogo ah iyo rasaas noocyo kala duwan ah oo laga helay isla buurta ay ku dhuumanayeen raggan loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Jabhadda ONLF.

Ragga la qabtay,gaadhigii ay wateen iyo rasaasta lagu hayoba waxaa la filayaa in  loo soo dhaadhiciyo Caasimadda Hargeysa.a

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland