Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Madaxweynaha uu Ku Ceyiy Warqadii Uu Doonayay Inuu Isku Hortaago Go’aankii Golahu Ka Gaadhay Haamaha Shidaalka

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa si rasmi ah u sheegay in madaxweynaha uu ku celiyay in aanu awood u lahayn inuu is hortaago go’aan gole.

 

Waxa uu Cirro sheegay in madaxweynaha ay u banaantahay inuu soo celiyo marshuucyada sharci se aanu dastuurku awood u siin uu isku hortaago go’aanada golaha, waxaanuu dhaliilo u jeediyay labadiis ku xigeen oo taageeray go’aanka madaxweynaha.

 

Guddoomiye Cirro waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Marka hore waxaan doonayaa inaan shacabka u sheego sida xeerhoosaadku sheego gokaha waxa matala oo afkiisana ku hadli kara gudoomiyaha golaha wakiilada.Golaha wakiiladu laba wax ayuu sameeyaa midi waa shuruuc, midna waa go’aamo, dastuurku waa uu tilmaamay marka ay shuruuctahay madaxweynuu inuu awood u leeyahay inuu soo celiyo oo qodobka 78-aad ee dastuurka ayay ku cadahay, dastuurku ma jiday meelna kagama qorna inuu madaxweynuu soo celiyo go’aan gole,kuma jirto meelna kuma xusna,go’aankani waxa uu ahaa mid ay isku raaceen aqlabiyada golaha aniga oo raacaya dastuurka kuna hadlaaya magaca golaha waxaan u celiyay oo aan u tilmaamay madaxweynaha inuu awood u leeyahay inuu soo celiyo marshuuc sharci hasayeeshee aanu dastuurku jidayn in uu go’aan sharci soo celiyo.”

Cirro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Warqada laba qodob ayaa ku qornaa midi kaas ayuu ahaa, baryahan waxa inugu soo noqnoqonaysay muranka dhulka markaas qodobka labaad waxa uu ahaa inuu dastuurku jideeyay in la sameeyo xeerka dhulka intaan la iibin ama wax kale la samayn in xukuumaddu sida ugu dhakhsaha badan ay u soo samayso si looga baxo muranada badan ee ka jira maamulka hantida qaranka. waxaan maqli jiray barigii hore geela la kala dhici jiray oo inta nin wadaad ah  loo geeyo oo la yidhaahdo xoolahan wax ka qaado anagana noo xalaalee, markaas waxaan is leeyahay xukuumadu waxay jeclaysatay nin kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiya oo waxay doonaysana u xalaaleeya,saaxiibadayna waxaan leeyahay ha noqonina wadaadadaas geela la soo dhacay cida soo dhacday u xalaalaynaysa.”