Mid Ka Mid Ah Gawaadhiga Madaxtooyada Oo Daad Qaaday

Hargeysa, (SLpost)- Gaadhi ka tirsanaa kolonyada weftigii madaxwaynaha Somaliland ee shalay kazoo guryo noqday safarkii ay ku joogeen magaalada Berbera ayaa ku dhacay doox  ku yaala jidka isku xidha magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.Gaadhi

Gaadhigaas oo ay saarnaayeen ciidamada ilaalada madaxtooyada Somaliland ayaa halkaasi u dhacay xili ay biyo marayeen toga, waxaanay qayb ka ahaayeen weftiga madaxwaynaha oo kusoo dhanka magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Ma jiro khasaare ka dhashay halkaasi, waxaana gaadhigaasi meesha ka saaray ciidamada ilaalada madaxtooyada xubno weftiga ka tirsan iyo dad shacab ah.

Dooxaasi oo lagu magcaabo Cabaad wayne ayaa dhibaato ku haya dadweynaha jidkaasi isticmaala oo xili roobaadka ay dad  ku dhinteen dad badan oo ay waxyeelo kasoo gaadho shacab iyo masuuliyiin dawladeedba.

Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaan ilaa iyo hadda qorshe cad arrintaasi ka gaadhin inkasta oo ay jiraan waddooyin badan oo dhismahooda laga wado gobollada dalka.

Somalilandpsot.net