4 Sano kadib: Xukuumad la timid Horumar muuqda iyo Himilo toosan

  1. Eng Hussein Adan EgehHORDHAC:

01-07-2014-ka, waxay ku beegnayd sannad-guuradii 4-aad ee ka soo wareegtay markii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Xisbiga Kulmiye oo uu waqtigaa Guddoomiye ka ahaa M/weyne Ahmed M.M.Silaanyo ay ku guulaysteen doorashadii Madaxweynennimada ee dalka ka dhacday 26.06.2010. Xisbiga Kulmiye wuxuu doorashada ku guulaystay xilli ay lagama maarmaan ahayd inuu dalka ka dhaco isbeddel dhab ah oo wata hannaan dawladnimo, hadaf iyo himilo siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba ka bed-baadiya haadaantii (jarkii) ay danta-guud ee ummaddu ka sii laalaaday. Wuxuu ahaa xilli la huri waayey in la helo hoggaamiye hore loo shirrabay oo la hubiyey dal-jacaylkiisa, dareenkiisa-waddanimo, u damqashada shacbiga iyo sida uu danta guudba u daryeelo intaba. Sidaa darteed, Guusha ay M/w. Axmed Silaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye 01-07-2010-kii ku guulaysteen talada iyo hoggaanka dalka, may ahayn guul ku kooban intii isaga (M/weynaha) u codaysay ama xisbigiisa taageerayaasha u ahaa oo keliya. Guusha Kulmiye waxay ahayd Bed-baado Qaran oo ay dadka iyo dalka JSL u baahnaayeen taasoo ummadda ka bed-baadisay kana sabato-bixisay jaahwareerkii shacbiga haystay iyo xagal-daacii ku dhacay qarannimada.

  1. Xukuumad ku suntan Wax-qabad iyo Horumar.

Xukuumadda Kulmiye markii ay talada dalka la wareegtay waxay ummadda Somaliland oo dhan (ku u codeeyey, mid ka codeeyey iyo mid aan codaynba) u ballanqaadday inay noqon doonaan xukuumad ay dadku leeyihiin, xukuumad danta guud u adeegta balse iyadu aan ku adeegan. Xukuumadda Kulmiye waxay ummadda Somaliland u ballan-qaadeen inay soo celin doonaan magacii iyo milgihii dawladnimo ee Qaranka JSL.

 

Haddaba, akhristoow afar sano ka bacdi, waxaynu aragnaa in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Axmed M.M.Silaanyo ay kasbatay xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba. Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weyne Axmed Silaanyowaxay kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba. Sidoo kale waxa dib u soo noolaaday qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaadayhanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan.

 

Qof ama koox iyaga ay Guusha Xukuumaddu ku tallaabsato uga dhigantahay guuldarro oo wanaagga iyo horumarka ummaddooda u soo kordha aan indhahoodu arkayn isuna arka inay iyagu ka qadayaan mooyaane, horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo muddadaa ay xilka haysay ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho-tiro. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay!!

 

4 Sano kaddib, Xukuumadda M/weyne Axmed M.M. Silaanyo waxaynu aragnaa inay la timid Horumar muuqda, Himilo toosan iyo Hiigsi dhab ah. Shacbiga JSL ayaa gar-soore ka ah wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh ee ay xukuumaddani soo bandhigtay muddadaa 4-ta sano ah waana wax muuqda oo aan la iska indhatiri karin. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo waxay ku suntan-yahay:

  1. Xuk. (100%) kordhisay Mushaharka Shaqaalaha Dawladda oo dhan.
  2. Xuk. kobcisay (afar-jibbaar) Dakhliga Dalka.
  3. Xuk. suurto gelisay Bixinta Darajada Ciidamada, Tayaynta iyo Daryeelkoodaba.
  4. Xuk. suurto gelisay Waxbarashada Bilaashka ah.
  5. Xuk. kor u qaaday Hanka iyo Hadalhaynta ay Beesha Caalamku u qabaan JSL.
  6. Xuk. Daah-furtay, Dunidana ku baraarujisay Khayraadka-Dabiicaga ah ee JSL.
  7. Xuk. suurto gelisay soona jiidatay Maalgashiga Bulshada Caalamka.
  8. Xuk. dhiirigelisay Beeralayda iyo wax soo saarka Beeraha
  9. Xuk. kor u qaaday tirada Shaqada iyo Shaqaalahaba.
  10. Xuk. kor u qaaday Tayada iyo Tirada Xarumaha Caafimaadka Aasaasiga ah.
  11. Xuk. dib u dhistay dhammaanba Xarumaha Dawladda; heer Qaran, Gobol & Degmo.
  12. Xuk. suurto gelisey Furashada Ururrada Siyaasadda.
  13. Xuk. Dhallinyarada siisay Fursadaha ka qaybgalka maamulka dalka heer kastaba.
  14. Xuk. Haweenka JSL siisay Fursadaha ay kaga qaybgali karaan maamulka dalka.
  15. Xuk. la timid Dhismaha Waddooyinka iyo Madaarada Dalka.
  16. Xuk. ka dhabaysay lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga JSL.
  17. Xuk. ku guulaysatay Sugidda Xuduudaha Bariga ee Dalka JSL.
  18. Xuk. u guulaysatay nabada iyo wada-noolaanshaha Gobolka Sool.
  19. Xuk. u Damqata oo daryeesha Agoomaha, Danyarta iyo Naafada.
  20. Xuk. soo jiidatay Gobollo aan Xisb. KULMIYE hore ugu codayn jirin.
  21. .………..

 

  1. La Xisaabtan HAA! Xagal-daacin MAYA!

Waa arrin la fili karo in Xukuumad kasta oo talada dalka qabata ay la kulanto carqalado iyo xaalado adag oo  uu waqtigu wado oo ka dhasha isbeddellada dhaqan-dhaqaale ama kuwa siyaasadeed ee markaa taagan. Haddaba, waqtigan aynu ku jirno oo lagu tilmaansado ‘waqtiga casriga ah’ waxa inagu soo kordhay hab-dhaqan cusub oo aanay hore u lahaan jirin Shacabka ku abtirsada Jam.Somaliland. Waxa dhegaha Shacabka Jam.Somaliland ka batay shirar doceedyo iyo shirar jaraa’id salka ku haya qabyaalad iyo reer-hebelnimo ay ka soo burqanayaan hadallo xambaarsan xiqdi, xumaan iyo kala fogeyn bulsho oo ay ku tiiraabayaan rag odayaal ah oo magac, mamuus iyo milgaba ummadda ku dhex lahaa. Waxa dhegaheena ka batay ereyo dhiillo, xaalad abuur iyo turxaanba leh oo ay si joogto ah ugu dhawaaqayaan rag iyagu ahaa haldoor oo la is lahaa dalkan cidina ugama lexejeclo badna, balse aad haatan moodo in iyagii garba-duub looga hayo duminta dalka iyo tafa-raaruqa bulshada. Wax badan baynu noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnay iyagoo nimankaa odayaasha ahi ay ummadda u saadinayaan belaayo iyo baas aan jirin. Wax badan baynu maqalnay iyagoo leh: “Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado.” “Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii la doortay dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay.”

 

Waxaynu hadh iyo habeenba ka maqalnaa ama ka aragnaa noocyada kala duwan ee war-baahinta haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta M/weynaha Qaranka iyo Qoyskiisa, Xukuumaddiisana lagu weerarayo. Hadallada noocan ahi waxay meel ka dhac, maan-gad iyo karaamo darrabo ku yihiin caqliga suuban iyo garashada feyow ee muwaadinka iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee Jam.Somaliland.

 

Xukuumadda hadda talada haysa iyo hoggaankeedaba waa la dhalliili karaa waana lala xisaabtami karaa tallaabo kasta oo ay qaado, dhan kastaba ha u qaadee. Laakiin, xag-xagasho xeeladaysan iyo xagal-daacin ummaddu ma aqbali karaan. Dadka wax dhalliilaya waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan wax toosin iyo wax dhisid, balse aan ahayn wax dumin. Waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo aan ahayn wax-iska-dheh balse ku salaysan xaqa iyo runta oo loo hiiliyo isla markaana xumaanta, xaqdarrada iyo dulmiga oo la diido.Waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan bulshada oo la mideeyo balse aan ahayn bulshada oo la iska horkeeno iyo dhaleecayn aan sal iyo raad toona lahayn oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo. Waxa looga fadhiyaa inay la yimaaddaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan waddannimo iyo dal jacay dhab ah, ummaddana u horseedi kara isbeddel dhab ah oo hanka iyo himilada bulshada kobciya.

 

Shacabka qiimaha leh ee JSL garaadkoodu wuu ka koray in maalin walba koox dano gaar ah lihi ay ku jaah-wareeriyaan waxaan iyaga dani ugu jirin. Bulshada JSL ee nabadda iyo horumarkaba jeceli si weyn bay u arkaan ulana socdaan kooxaha mar walba iyagu xumaanta u tafa-xaydan ee mar walba dedaalka ugu jira inay Xukuumadda M/weyne Axmed Siilaanyo ay xagal-daaciyaan oo guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddiisu ku tallabsato shacbiga loogu macneeyo guul-darro iyo dib-u-dhac. Shacabka JSL ma rumaysna dhegna jalaq uma siinayaan kooxaha mar walba balada iyo baaska aan jiri u saadinaya ee la wareegaya in dalku uu ku jiro xaalad khatar ah oo loo baahanyahay in la bedbaadiyo. Shacabka JSL waxay ogyihiin meelna uga soo wadajeedaan in kooxahani ay yihiin shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo iyaga u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee Qaranka iyo ummadda.

 

4. Gabagabo

Bulshada waxa ugu liita qofka Qariya, Xaqira, Dafira ama Iska-indhatira wixii wanaag iyo horumar ah ee dalka iyo danta guud ee bulshadiisaba u soo kordha. Ummaddoo dhammi way wada arkaan wanaagga soo kordhay, balse qofkaa isaga ah iyo intii fikirka kula shuraakada ahi iyagu ma arkaan.

 

Ku dhaqanka Qabyaaladda iyo Reer-hebelnimada ayaa ah Cadowga Koowaad ee ay leeyihiin Shacbiga JSL. Qabiilka iyo Reernimadu waxay Carqalad weyn ku yihiin Hanaqaadka Dareen-Wadareedka-Ummadnimo ee bulshada mideeya, isla markaana waxay inaga hortaagan yihiin inaynu mudnaanta iyo ahmiyadda kowaadba siino waddaninnimada, midnimada bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadeena. Waxaa nasiib darro ah inay weli muuqato in Siyaasiyiin badan oo u dhashay JSL ay weli hankooda iyo damacooda siyaasadeedba ku salaysan yihiin Tollaay Yaa Reer Hebelaay. Waxa haddaba is weydiin leh Maxaynu uga guurnay nidaamkii hab-beeleedka ee aynu u qaadanay nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan haddii ay Siyaasiyiinteenu weli ummadda ku beer-laxowsanayaan Tollaay Yaa Reer Hebelaay?? Ma kula tahay nin qawaday inuu noqdo siyaasi Qaran, inuu Qolonnimo bulshada wax kaga heli karo ama uu ummadda sidaa ku hoggaamin karo??

 

Guntii iyo gaba-gabadii, dabcan, way dhici kartaa inaan cid walba ku farxi doonin horumarka iyo wax-qabadka ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku tallaabsato, waayo guusha ayaa cadow badan leh oo aan cid waliba ku qanci doonin! Laakiin, Shacbiga ayaa Qiray waxqabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda hadda talada haysaa, taasina waa Daliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu Sarreeya ee ay Madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Xukuumaddiisu ka heli karaan Ummaddooda.

 

Jamhuuriyadda Somaliland HA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|