Guddida Guurtidu U Xil-saartay Kasoo Talo-bixinta Muddo Kordhinta Oo Kulmiye Iyo Komishanka La Kulmay

Hargeysa, (SLpost)- Guddida ay golaha guurtida Somaliland u xil-saareen hawsha muddo kordhinta xukuumadda talada haysa ayaa maanta si gooni-gooni ah kulamo ula yeeshay xisbul-xaakimka Kulmiye iyo Komishanka doorashooyinka qaranka.Guddi

Kulanka ay la qaateen guddida ka socotay guurtidu xisbiga Kulmiye oo al-baabadu u xidhnaayeen ayaa waxa warbaahinta uga warbixiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu sheegay inay xisbi ahaan ku ixtiraamayaan waxay go’aamiso guurtidu. “Guddida guurtidu sidii ay xisbiyada kale ula kulantay ayaanu anaguna saaka la kulanay, arrinta doorashada waxa waajibkeeda iyo nidaamkeeda xadeeya distoorka qaranka, waxaanu u xil-saaray hay’addaha distooriga ah ee qaranku uu leeyahay oo uu ugu horeeyo golaha guurtidu, Komishanka doorashooyinka. Anagu markaa waxa aanu guurtida u bandhignay in xisbiga Kulmiye aaminsan yahay in hay’addaha distooriga ah mid weliba xilkeeda gudato, anagu inaanu waqti qabano distooriyan xaq uma lihin, laakiin waxaanu ku talinay iyagoo ka duulaaya arrimaha doorashooyinka ee socda inay waqti macquul ah oo doorashadu ay ku qabsoomi karto ay u qabtaan.” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa warbaahinta isna uga warramay kulankaas ay la qaateen guddida guurtida, waxaanu sheegay guddoomiyuhu inay si fiican isu fahmeen guddidaas, waxaanu yidhi. “Waxa lana waydiinayay uun oo aanu guddida ka wada tashanaynay oo aanu xog-waran ku kala qaadanaynay hawlaha jira ee diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka, si wanaagsan ayaananu isula fahanay.”

Somalilandpost.net