28 Qof oo ku dhintay laba doonyood oo ku Qaraqmay Xeebaha Jabuuti iyo in ka badna 100 la la’yahay

Djibouti (SLpost)- Ugu yaraan 28 Ruux, ayaa ku dhintay laba Doonyood oo ku qarraqmay xeebaha dalka, halka tiro ka badan 100 qof oo kalena la la’yahay, sida ay sheegtay laanta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Socdaalka Muhaajiriinta, halka kuwo kalena la badbaadiyey.

 

Wiil 18-jir ah oo laga soo badbaadiyey, ayaa sheegay in ay saarnaayeen doonta 130 qof oo 16 ka mid ahi haween ahaayeen, waxaana sababta shilka lagu sheegay kaddib markii ay mowjado waaweyn ku dhufteen doonta saacad iyo badh kaddib markii ay ka baxday xeebaha dalka Jabuuti maalintii Salaasada ee shalay, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

sawirada

Ma jirto faahfaahin kale oo laga helay doonta labaad, haseyeeshee waxa isla markiiba la bilaabay hawl-gallo samato-bixin ah oo lagu baadi-doonayo dadkii saarnaa.

 

Wararka ka imanaya Jabuuti, waxay sheegayaan in la helay meydadka illaa 35 ka tirsan dadkii ku dhintay doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti. Hay’adda socdaalka IOM, ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in lasoo badbaadiyey 16 qof.

 

Doonta degtay, ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen. Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 ruux oo tahriibayaal ah.

 

Dalka Jabuuti, ayaa bilihii lasoo dhaafay noqday marin ay kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan Gacanka Cadmeed, iyagoo ka tallaabaya marin-biyoodka Bab al-Mandab, kuwaas oo gaadha dalka Yemen ee dagaalladu ka socdeen dhawrkii sano ee la soo dhaafay, waxaanay uga sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta, gaar ahaan Sucuudiga iyo Suudaan.