Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xisbiga Waddani Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Khilaaf La Sheegay Inuu Ka Dhex Qarxay Xisbigaasi

Hargaysa(SLPOST):-Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Ayaa Maanta Ka Hadlay Khilaaf La Sheegay In Uu Laba Qaybood U Kala Jabiyey Xisbigaasi Kaas oo Ka Dhex Curtay Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xisbigaasi

wadani

Shir Jaraaid Oo Ay Maanta Ku Qabteen Xafiiskoodu Magaalada Hargaysa Ayaa Ay Ku Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaameen Khilaafaadkaasi Qaybo Ka Mid Ah  Warbaahintu Baahisay Iyagoo Soo Xiganaya Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbigaasi.

Hadaba Masuuliyiintan Oo Kala Ahaa Xubnaha Ugu Sar Sareeya Ee Xisbiga Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In Hadalkaasi Aad Loo Buun Buuniyay, Guddomiye Ku Xigeenka Kobaad Ee Xisbiga Axmed Muumin Seed Oo Ugu Horeyn Ka Hadlay Shirkaas Jar’iid Ayaa Waxaa Uu Yidhi “Sida Runtu Tahay Waxaad Og Tahiin In Saaka Ay Jara’iidada Ku Soo Baxday Tv Qaarkood Xalay Ka Baxday Runtii Hadal Aan Aad Ula Yaabnay Oo Aan Xisbiga Waddani Ka Dhicin, Oo Ah In Hogaankii 2 U Kala Jabay Iyo In Khilaaf Xisbiga Hadheeyay, Taas Ayaan Doonaynaa Saaka In Aanu Ka Raali Galino Tageerayaasha Xisbiga Iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland Ee Jooga Dalka Guddahiisa Iyo Dibadiisaba Inayna Caado Ahayn Horena Aanay U Dhicin, In Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Guddomiye Ku Xigeenka Iyo Hogaanka Xibiga Wadani Waxaa Halkan Ka Muuqda Oo Koorna Noogu Xiga Qaasim, Tubeec Oo Hogaanka Xisbiga Milgo Oo Hogaanka Xisbiga Guddomiye Ku Xigeenkii 4aad Oo Hoganka Xisbiga Ah Mustafe Oo Isna Hogaanka Xisbiga Iyo Xoghayaha Ina Uur Cade Oo Hogaanka Xisbiga Ah. ”

Hogaanka Naga Maqan Waa Guddomiyahii Kobaad Ee Xisbiga Uun, Runtii Arinkaasna Aad Ayaa Looga Wada Xumaaday Wax Jirana Maaha,Waxaanan Ka Raali Galinaynaa Cidkasta Oo Ay Dhagahooda Ku Dhacday “Ayuu Yidhi Guddomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Xisbiga Axmed Muumin Seed.

Dhanka Kale Isna Waxaa Ka Hadlay Guddomiye Ku Xigeenka 4aad Ee Xisbiga Waddani Cabdi Raygal Oo Ahaa Guddomiyahii Ay Warbaahinta Qarkood Waraysatay, Waxaana Uu Yidhi

” Sidaa Uu Guddomiye Ku Xigeenka 1aad Sheegay, Shalayto Aniga 2 Kalmadood Ayaa Iga Baxday Labba Kun Oo Kalmadood Ayaa Laga Dhigay, Waxii Sawir Yaalayna Magaalada Waa La Soo Uruuriyay, Arintaasina Arin Wax Ka Jiraan Maaha Imikana Waaydinkaa Na Arkaaya, Wan Ka Midaysanahay Wax Dhibaato Ah Oo Jirtaana Ma Jiraan”Cabdi Raygal

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Ayaa Intaasi Kadib Isna Kalmadiisa Ka Idhi Munaasibadaas Waxaana Uu Sheegay Inayna Ka Xisbi Ahaan Caado U Lahayn Is Qab-Qabsasho Iyo Khilaafyo Soo Kala Dhex Gala Hadaba Xoghayaha Oo Arimahaasi Ka Hadlaya Ayaa Waxaa Uu Yidhi ” Ilaa Uruurnimadiisi Ilaa Maannta Xisbiga Waddani Labba Qof Oo Wax Yar Isku Qabsaday Ma Jirto, Waa La Doodaa Hadana Xisbiga Wadani Wax Uu Isku Khilaafa Ma Jiro, Dhanka Kale Waxaanu Canbaareynaynaa Hadaanu Nahay Xisbiga Waddani Oo Aanu Ku Cel Celinaynaa Fara Galinta Gobalada Bariga Lagu Hayo Siiba Taleex Iyo Sool Ee Uu Xukumada Somaliya Ee Uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Ay Ku Hayso, Ee Dadka Walaalaha Ah Ee Halkaasi Ku Wada Nool Ay Doonayso In Maalin Walba Ay Dagaal Ka Dhex Rido Aad Iyo Aad Ayaan U Canbaareynaynaa, Waanan Ka Xunahay Kuwa Calooshooda U Shaqeystayaasha Ah Ee Ka Dhashay Ummad Somaliland Ee Loo Adeegsanayo In Ay Hawlahaas Fuliyaan, Waxaan Hanbalyo U Diraynaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Oo Aanu Leenahay Xuduuda Somaliland Bari Ilaa Galbeed Waa Waajib Idin Saaran In Aad Ummada Ka Dhicisaan Waxii Cadow Ah Ee Soo Weeraraya Waanad Gudateen Xilkiini Aad Ayaanad U Mahdsantahiin ” Ayaa Uu Yidhi Muddane Uur Cade.

Gaba Gabadii Aya Isna Waxaa Halkasi Ka Hadlay Oo Cadeeyay Inaayna Jirin Wax Khilaafa Masuul Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Magacaabo Mustafe Ayaa Sheegay In Ay Ka Xisbi Ahaan Isku Duuban Yahiin Waxyabaha Dhagaha Bulshada La Galinayaana Aanay Jirin Ee Ay Tahay Dad Naceyb U Qaba Xisbigooda Mucaarid Kastaana Uu Leeyahya Cid Neceb Markaasna Ay Rabaan In Ummada Ay Ku Diraan Oo Indhahooda Ay Ku Soo Jeediyaan, Hadaba Isaga Oo Arimahaasi Ka Hadlaya Ayaa Waxaa Uu Yidhi

” Waxaa Xisbigan U Caado Ah Hab Dumuquraadiya In Afkaarta Dhex Taala Iyo Taladaba Uu Ku Kala Baxo, Haday Shirarkiisa Tahay Heer Hogaan Heer Gole Fulineed Iyo Heer Gole Dhexe Iyo Heer Gole Shir-Weyne, Markaas Waxaa Weeyi Oo Aanu Ognahay Kuna Qosolnay Ilaa Xalayto Inay Xukumadu Dabada Ka Riixaysay Saxaafada Qaar Ka Mida, Oo Ay Tidhi Buun Buuniya.

Waxaan Idin Leenahay Xukumadeey “Sidih Sidihdiina Mooyaane Hordhaciina Hibsada” Ka Warama Waxa Guddahiina Yaala, Oo Ka Warama Waxa Uu Xisbil Xaakimkii Shir- U Qabsan Laayahay Imika, Oo Waxaad Ka Warantaan Waxa Uu Cali Khaliif Galaydh Ka Sheegay Xalay TV-Yada Ee Uu Yidhi Xukumada Somaliland Ayaan Khiyaameeyay, Oo Waxaad Ka Warantaan Waxa Saxaafada Maalin Kasta Loo Cabudhinayo, Waxaad Ka Warantaan Waxa Habeenkii Ciidamo Waxa Ay Guryo Masaakiin Habeenkii Ugu Dadanayaan Ee Deetana Goor Dhow Lays Weydiinayo Yaa Amray, Waxaad Ka Warantaan Mashaariicda Waa Weyn Ee Aad Tidhaahdaan Waanu Qabanaynaa Ee Meel Aliyaale Meel Ay Ka Socdaan Aanay Jirin, Waxad Ka Warantaan Musuq Maasuqa Aan Qarsooneyn Ee Caruurta Yar Yar Ogtahay Ka Warama, Markaa Waxaanu Leenahay Wadankan Anagu Waxaanu U Haynaa Barnaamijyo Waa Weyn, Waxaanu U Haynaa Af-Kaaro, Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Af-Kaaran U Haynaa, Ilaa Imikana Xukumada Waanu Ka Baryaynaa Waxaanu Leenahay Aan Idinla Wadaagno Af-Kaarahaasi, Gobalada Somaliland Ee Maqan Ee Xukumadani Kala Irdheeysay Xalbaanu U Haynaa, Waxaan Wada Hadalo Ku Imana Xoog Ku Iman Maayaan, Maantana Ciidanka Somaliland In Marna Mel La Galiyo Oo Kolna Laga Saaro Waa Arin Aanan Waxba Ka Ogeyn, Waxaa Aad Loo La Yaabanyahay Oo Aan Leenahay Dawlada Ka Warama Jeelasha Somaliland Ee Hubka La Geeynayo Ee Deetana Hubka Lagu Furanayo Ka Warama” Ayaa Uu Yidhi Mustafe Oo Ka Mida Hogaanka Sare Ee Xibiga Wadani.

 

wadani

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland