Buhoodle:Qaxar Miino Oo Dad Ku Dhaawacmay

Togdheer (SLPOST) Qarax miino oo ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa lagu soo warramayaa inuu sababay dhaawaca labo qof.

buuh

Miinada oo loo maleynayo in xilli hore lagu aasay meesha ayaa ku qaraxday gaadhi ay wateen labadaas qof oo marayay waddo ku taalla galbeedka Buuhoodle.

Maxamuud Khadar Cabdi oo ahaa wadihii gaadhiga oo dhaawac ah ayaa sheegay inuu damacsanaa inuu kala wareego intuu aanay miinada ku qarxin.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxay waxyar u jirtaa xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxay fariisin u ahaan jirtay ciidanka Soomaaliya xilligii dagaalkii Itoobiya.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

News-Desk