Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka hadashay sababta Dr. Macaw loogu xidhay Hargeysa

Ceerigaabo(SLPOST):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ka hadashay xadhigga maanta lagu xidhay Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways oo ay maanta Ciidammada Boolisku ka kexeeyeen Cusbitaalka Xabiiba Xanaan ee magaalada Hargeysa oo uu hawl-gal Caafimaad ka waday.

Garman

MACAW, AGAASIMAHA GUUD, FARMASIIGA DADKA U DIIWAANGELIYEY

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan Caafimaadku, waxaany Wasaaradda oo hore Ruqsadda oggolaanshaha hawshaas u siisay sheegtay inay sababta xadhiggiisu tahay arrin la xidhiidha kiis ay dad reer Somaliland ah oo waddanka Ingiriiska joogaa ka soo gudbiyeen.

Taasoo u muuqata mid ay ku wanjalayaan Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland, maaddaama oo ay sida ay Guddoomiyaha Guddigu caddaysay Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee hawlaha Caafimaad dalka u yimaadda qaarkood aanay diiwaangelin una diiwaangashanayn, waxaana toddobaadyadii u dambeeyey inay Dr. Macaw la kulmaan markii imashadiisa Hargeysa uu shaaciyey isu-diiwaangeliyey dad laba kun oo qof ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan oo isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal caawa khadka taleefanka kula xidhiidhay, isla markaana uu wax ka weydiiyey sababta keentay xadhigga Dr. Cali Macaw, ayaa sheegay in xadhiggiisu la xidhiidho baadhitaanka dacwad uu sheegay inay u soo gudbiyeen Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo uu xusay inay shaqsiyaad reer Somaliland ah oo deggan dalka Ingiriiska u soo gudbiyeen, taasoo aanu nooceeda si rasmi ah u caddaynin.

“Xadhiggiisa waan maqlay, laakiin Ceerigaabo ayaan safar shaqo ku joogaa oo si dhaw ulama socdo, balse sidaannu hore u sheegnay markii uu Dr. Cali Macaw sheegay inuu Hargeysa hawlgal caafimaad u imanayo, ayay Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranku noo soo gudbiyeen dacwad ka dhan ah Dr. Macaw oo ay sheegeen inay ka soo dacwoodeen dad reer Somaliland ah oo ay niman Odayaal ahi ka mid yihiin ka soo gudbiyeen, waxaanay Guddiga Mihnadlayaasha caafimaadku noo soo gudbiyeen Koobbigii dacwaddaas oo aannu haynaa, xadhiggiisanina arrintaas iyo baadhitaankeeda ayuun buu la xidhiidhaa, inkastoo aan Ceerigaabo joogo anigu hadda oo xadhigga la ii soo sheegay uun.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey sababta Xadhigga Dhakhtar Macaw keentay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey waa maxay nooca dacwadda loo haysto Dr. Macaw ee shaqsiyaadka reer Somaliland ka soo gudbiyeen? Waxaanu ku jawaabay; “Dacwaddaas waxaa naloogu sheegay inay la xidhiidho cabasho ka timi saddex Oday oo reer Somaliland ah oo midkood Weriye weyn yahay, isla markaana Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo hawshaa noo soo gudbiyey ayaannu u xil-saarnay soo baadhista dacwaddaas.”

Sidoo kale, waxaan mar labaad weydiiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka bal inuu caddeeyo nooca dacwadda Koobbigeeda uu sheegay inay Guddiga Mihnadlayaashu u gudbiyeen ee ay hayaan ee ka dhanka ah Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw, waxaanu ku jawaabay Agaasimuhu oo uu ydihi; “Waxa weeye dacwad la xidhiidha inuu Mihnadda ku xad-gudbay, sidaa daraaddeedna aan lagu degdegin inuu hawlgal caafimaad ka fuliyo Somaliland. Markaa, sidaad la socoto Guddiga Qaran ee Mihnadlayaasha Caafimaadka sidii loo sameeyey waxa la doonayaa in meesha laga saaro qof Dhakhtar iska sheegta oo daawaayn ama hawlgal caafimaad sameeya, markaa inkastoo aannu baadhista dacwaddaas natiijadeeda sugayno, haddana kiiskiisu arrintaas ayuu la xidhiidhaa.”

Mar Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan aan weydiiyey Dr. Macaw waa nin Dhakhtar ah oo dalal caalami ah kaga shaqeeyey Mihnadda caafimaadka, immikana Xarumo caafimaad ku leh magaalooyinka dalka Ingiriiska oo ay London ka mid tahay, markaa sidee ayaad leedahay Mihnadda ayuu ku xad-gudbay, maxaase caddayn ah ee loo hayaa inuu xad-gudbay? Waxa uu ku jawaabay; “Wallaahi waxaasi waa waxaannu baadhayno ee aannu Guddiga u xil-saarnay, markaa Dacwaddu waxay tahay inuu xad-gudub ku sameeyey shaqada Caafimaad ee uu hayo, baadhitaankeeduna wuu noo socdaa.”

Agaasime Cismaan Xuseen Warsame oo aan weydiiyey, su’aal ahayd: Agaasime ma waxaad leedahay Dr. Macaw oo aynu ognahay inuu dalal Yurub ah oo ay adag tahay sida Cusbitaallo gaar loo leeyahay looga sameeyo isagu ka shaqeeya oo ku leh xarumo caafimaad, ma aqoontiisa Caafimaad ayuu ka been-sheegay baad leedahay mise xad-gudub kale oo uu shaqada dhexdeeda ku sameeyey oo uu cid kula kacay baa jirta, bal kala caddee arrimahaas.

Waxaanu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo su’aashaa ka jawaabayaa uu yidhi; “Walaal Dacwadda annagu Wasaarad ahaan kumaannaan oogin Dr. Macaw ee waxaa noo soo gudbiyey Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Dacwaddaas ay Odayo waawayni u soo gudbiyeen. Markaa, dacwadda lafteeda ayaan marka hore la kala caddaynin, hase-ahaatee, waxa lagu sheegay in Maxkamadi ku socoto oo dacwad xad-gudub la xidhiidha ay u haystaan dad reer Somaliland ah, markaa waanigan kuu sheegaya ee ku leh baadhitaankeeda ayaa lagu jiraa hawshaas. Anigu Agaasime guud ahaan maanta xadhiggiisa lamaan socon oo maan amrin ee waa la ii soo sheegay uun in la xidhay, kollay baadhistaas mooyaane wax kale oo dhibaato ahi ma jiraan.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo aan weydiiyey miyeydaan idinku Wasaarad ahaan oggolaansha uu dalka ku yimi siinnin Dr. Macaw ee uu hawlgalka ku bilaabay, waxa uu ka war-wareegay jawaabta su’aashaas, isla markaana waxa uu sheegay in baadhista dacwaddaasi timi si kasta oo oggolaansho loo siin lahaa.

Haddaba si aannu arrintaa xogo dheeraad ah uga helno waxaannu la xidhiidhnay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaas, balse kumaannaan guulaysan inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii uu Wasiirkuna taleefankiisa gacanta naga qaban waayey, Wasiir Ku-xigeenkana aannu la kulannay iyada oo uu taleefankeeda gacantu xidhan yahay ama dembsan yahay. Sidoo kale, Taliyaha Booliska oo aannu la xidhiidhnay, ayaa isagana taleefankiisa gacanta aannaan ku helin.

Sidoo kale, waxaannu la xidhiidhnay Guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee Mihnaydleyaasha Caafimaadka Dr. Luul Jirde Xuseen si aannu xadhigga Dr. Macaw wax uga weydiinno, hase-yeeshee waxay naga qaban-wayday Taleefankeeda gacanta oo aannu caawa dhawr jeer ka wacnay. Balse waraysi uu Wargeyska Himilo Axaddii toddobaadkan la yeeshay, ayay Guddoomiye Luul arrintaas kaga hadashay, isla markaana ku sheegtay inaanay Dr. Macaw iyo cidda dadka u sii diiwaangelinaysay toona Guddi ahaan wax xidhiidh ah oo ay la sameeyeen jirin.

“Dr. Cali Macow iyo qolada la shaqeynaysa midna nooma iman, Guddiga Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka weli wax ogolaansho ah ma siinin, sharciguna waxa uu dhigayaa in qof kasta oo ku shaqeysta xirfada caafimaadka aanu diiwaangelino, marka shahaadooyinkiisa iyo aqoontiisa la xaqiijiyo.” Sidaa ayay ku tidhi Waraysiga Wargeyska Himilo la yeeshay toddobaadkan Guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee Mihnaydleyaasha Caafimaadka Dr. Luul Jirde Xuseen.

Dr. Luul Jirde Xuseen oo la weydiiyey maaddaama oo ay Somaliland ka jiraan, isla markaana Caasimadda hawlgallo caafimaad ka sameeyaan Dhakhaatiir Ajaanib ah oo badan oo xirfada dhakhtarnimo kaga shaqeysta dalka inay jirto ogolaansho ay siiyeen oo u diiwaangashan yihiin, ayaa sheegtay in qaarkood u diiwaangashan yihiin, qaarna aan weli la diiwaangelin, iyada oo ku dooddey inay tan sabab u tahay guddigooda oo cusub awgeed, waxaanay ku jawaabtay oo tidhi; “Qaarkood way diiwaangashan yihiin, qaarna ma diiwaangashana, maadama guddidu cusub tahay, laakiin qorshahaygu waa in qof kasta oo xirfadda caafimaad ku shaqeysta aanu diiwaangelino marka aqoontiisa aan hubino.”

Hase-yeeshee, Masuulka goobtaa Caafimaad ee uu ka hawlgalay oo imashadiisa sheegtay inay wakiil ka ahayd. Haweenaydaas oo lagu magacaabo Intisaar Maxamed Cali Qoys oo maalmo ka hor Warbaahinta ka hadashay, ayaa tidhi; “Waxaan ahay Wakiilka Dr. Cali Macow Aways, markii ugu horresay ee aannu imanaynay Somaliland waxaannu la soo xidhiidhnay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo oggolaatay imaanshiyaha Dr.Macow inuu Somaliland yimaaddo, gaar ahaan magaalada Hargeysa, oo uu ka fuliyo hawlo Caafimaad.”

Sidaa daraaddeed, illaa hadda lama garanayo ujeeddada rasmiga ah ee ka dambaysa qabashada Dr. Cali Macaw Aways ee keentay in Boolisku ku xidhaan magaalada Hargeysa, hase-yeeshee, sida ay Aftahannews u tibaaxeen ila-wareedyo xog-ogaal ahi waxaa la filayaa in Dr. Macaw imashadiisa Hargeysa ay ka xumaadeen Dhakhaatiirta Dhiig-miiratada noqday ee goobaha Caafimaad ee ay ku shaqaystaan ku leh dalka, gaar ahaan kuwa magaalada Hargeysa oo la tibaaxayo inay xadhiggiisa iyo qabashadiisa ka dambeeyeen.

Goobaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Hargeysa waxaa bil kasta iyo toddobaad kasta yimaadda Dhakhaatiir aan Soomaali ahayn oo Ajaanib ah oo Itoobiyaan, Kenyan, Masaari, Nagerian, Suudaan iyo dalal kale ay ka soo kiraystaan Mulkiilayaasha Cusbitaallada gaarka ah ee Hargeysa ka furan, kuwaasoo ay dawladda Somaliland qaarkood ka war-hayso iyo kuwo aanay ka war haynba isugu jira, isla markaana lagu xayaysiiyo warbaahinta qaarkood iyo inta badan Shirkadda Isgaadhsiinta ee lagu magacaabo Telesom oo Kaadhadhka ay macmiisheeda ka iibisay farriimo ay lacag kaga qaadato goobahaas Caafimaad ku dirta.

Kuwaasoo la sheego inaanay qaarkood aqoon caafimaadba lahayn, wax shuruud ah oo ay Somaliland ku xidhaana jirin, qaarkoodna aanay Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee Somaliland uba diiwaan-gashanayn haddana ay hawlgallo Caafimaad oo ay Lacago kaga urursadaan Shacabka dulman ee Somaliland, ayaan la garanayn sababta ay ugu dheggan yihiin Dr. Cali Macaw.

Balse waxay dadweynaha reer Somaliland is-weydiinayaan, sababta keentay inay dawladda Somaliland Xabsiga dhigto  Dr. Cali Macaw Aways oo ah Dhakhtar Soomaaliyeed oo ku takhakhusay Cudurrada iyo qalliinnada guud ahna Dakhtar ay dhawrkii sano ee u dambeeyey ay talooyinkiisa iyo tilmaamihiisa caafimaad ay Bulshadu si dhaw ugala socdeen Warbaahinta, isla markaana imashadiisa ay aad ugu diirsadeen, dad badanina ay isuba diiwaangeliyeen inay la kulmaan Dhakhtarka si ay daawaayn iyo talooyin caafimaad oo gaar ahba uga helaan.

Wararka qaar caawa la isla-dhex-marayo magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dr. Macaw wax yar ka dib markii uu ku xidhnaa xarunta Baadhista demiyada C.I.D-da caawa la soo daayey, balse way noo suurageli wayday inaannu Dhakhtar Cali Macaw Aways helno iyo xaqiijinta warkiisa-ba

 

Xigasho-Aftahannews