25 qof oo ku dhimatay Shaqaaqooyinka Kiev, Ukraine

Ukraine(SLPOST)Magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine oo bilihii lasoo dhaafay ka socdeen banaanbaxyo, ayaa shalay waxaa ka dhacay iska horimaadkii ugu weynaa oo ay ku dhinteen dad badan

Kiev

Dadka dhintay ayey ku jiraan 9 askari oo ka tirsan Booliiska, iyo hal suxufi, halka inta kale ay yihiin shacabka ka qeyb qaadanayey iska horimaadka ka dhacay Fagaaraha xoriyada ee magaalada Kiev.

Iska horimaadka ayaa bilowday kadib markii booliiska isku dayeen inay awood u adeegsadaan dadka banaanbaxa ka wada bartamaha caasimada, arrintaasi oo keentay in markii danbe gacanta la isula tago.

Waa tiradii ugu badneyd oo dad ah oo rabshado noocaan ah ku dhinta tan iyo intuu dalkaasi Xoriyada qaatay.

Dadaal lagu doonayey in xiisada lagu qaboojiyo ayaa fashilay kadib markii kulan kooban oo dhexmaray xalay Madaxweyne iyo hogaamiyayaasha mucaaridka uu ku dhamaaday natiijo la’aan.