Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay natiijada Kulan Madaxtooyada ugu qabsoomay Garabyada Isku khilaafsan Siyaasadda Xisbigaas iyo (DHEGAYSO)

Shabeel1Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga talada dalka hoggaamiye ee Kulmiye, Jaamac Shabeel, ayaa sheegay inuu si fiican ugu qabsoomay kulan habeen hore madaxtooyada ku qabsoomay oo laysku soo horfadhiiyey garabyada ku loolamaya Xisbiga Kulmiye.

Guddoome Jaamac-Shabeel oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in loo ballamay kulan dambe oo lagu soo gunaanado xurgufta siyaasadeed ee ka dhex-aloosan madaxda sar-sare ee Xisbiga iyo xubno ka tirsan Xukuumadda oo quud-darro siyaasadeed ka hayo hoggaaminta siyaasadda Xisbiga.

Waxa kale oo uu Jaamac-Shabeel ka hadlay halka ay marayso qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo dhowr jeer oo hore dib-u-dhac ku yimi.

Halkan ka dhegayso Jaamac Shabeel

SOMALILANDPOST.NET