“Madaxwaynaha Hadda Jooga Kordhintiisii-baa Diyaar Ah” Boqor Cismaan Buur-Madow

Hargeysa (SLPOST) – Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Boqor Buur-Madow), oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa xisbiga WADDANI kula taliyey inay samraan haddii Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo wakhti xileedkeeda loo kordhiyo.

boqor buur madow

Boqor Cismaan Buur-Madow, ayaa sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo isaga oo la fadhiya sheegto inuu ka mid yahay xisbiga WADDANI, kaasi oo uu tilmaamay inuu ku raacay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu xusay inuu inta badan faraxsan yahay, isaga oo dhanka kalena Guddoomiye Cirro u tilmaamay inuu urursaday xildhibaanada dagaal u jooga ah ee Golaha Wakiilada, taasina aanay ahayn mid meel gaadhsiin karta, balse looga baahan inuu hawlaha ku wado farxaddii iyo weji furfurnaantiisii hore.

Boqor Buur-Madow oo shalay ka hadlayey Casuumad xisbiga WADDANI u sameeyay Suldaan Madar Maxamed Ducaale oo ka mid ah Salaadiintii Somaliland, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Salaadiintii Somaliland, halkan (Munaasibadda) Miisaan culus-baa ka jooga, laakiin ninka qudha ee odhan kara WADDANI-baan ahay ee aan Masaariif kaga go’ayn waa anniga horta, Madaxtooyadana annigaa u galgalid badanoo, markaan Madaxwaynaha la fadhiyo waxaan idhaahdaa annigu WADDANI-baan ahay”

Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow), oo sabab u yeelaya waxa uu ku doortay xisbiga WADDANI, ayaa yidhi “Maxaan WADDANI ku doortay, ninkaa Guddoomiyaha ah ee qunyar socodka ah ee faraxsan badanaa, ee intaas oo rag ah oo kululaa oo cawaandi ahaa qunyar kubadda baaska kula dhaafay, kaasaa malaha meel idin gaadhsiinaya ayaan idhaahdaa”

Boqor Buur-Madow, waxa uu maleeyay in loo kordhinayo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, haddii ay taasi timaadna WADDANI looga baahan yahay inay samraan “Waxaan leeyahay, Guddoomiye haddii ay doorasho (Vote) timaado waan hubaa in WADDANI helayo, laakiin laba arrimood midba, horta xildhibaanada inta dagaalantaa waa xisbigeena, dagaalna meel ku gaadhi maynee, arrinkaa xildhibaanada aad uga waani, waxaan leeyahay wejigii furfuraa iyo farxaddii ayaynu ku wadaynaa oo weji ururin iyo cadho ku gaadhi mayno” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray  “Somaliland xeerbay leedahay, Madaxwaynaha hadda jooga kordhintiisii-baa diyaar ah ayaan is leeyahay, intaa yar waynu samri karaynaa oo waynu u da’yar nahay”

Boqorku oo deba socda hadal uu Munaasibaddaasi ka sheegay xoghayaha guud ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, kaasi oo uu ku canaantay Wasiirada xukuumadda ee beesha Boqor Buur-madow, ayaa yidhi “Saaxiibkay Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde wuxuu yidhi inamada yar-yar ee Madaxtooyada ku jira hala qabto (wasiirada), waxaan leeyahay inamada waa gar inaanu qabanaa, laakiin haddii odayaashu la dagaalamaan yaan lana odhanin inamada hala qabto

 Xigasho-Dhamays.com