200 Shaqaale Muslimiin Soomaali ah oo Shaqada Laga Eryay

Us(SLpost)-200 qof oo shaqaale Muslimiin ah oo ka shaqeynayay warshad hilibka baakado ku xidhxidha ee gobolka Colorado ee waddanka Maraykanka ayaa shaqadii laga eryay kaddib markii ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen iyagoo ka cabanaya caqabado cusub oo ay u arkeen aanay salaadda ka tukan karin marka ay shaqada ku jiraan. Dadkaas badankoodu waa muhaajiriin ka yimid Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay golaha xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, Jeylaani Xuseen, waxaa uu sheegay in shaqaalaha warshadda hilibka ee Cargill muddo loo oggolaa inay cibaadeystaan.

Afhayeen u hadlay warshadda Cargill waxaa uu sheegay inay warshaddu lahayd meelo lagu tukado. Hase ahaatee isticmaalkooda loo bahan yahay in la waafajiyo baahida shaqada.

Agaasimaha fulinta ee guddiga xuquuqda aadanaha ee Soomaalida, Cumar Jamaal, waxaa uu sheegay in maamulayaasha ay ahayd inay fahmaan in Muslimiintu ay tahay inay tukadaan waqtiyo kala duwan maalintii taas oo ku xiran waqtiga sanadka ee lagu jiro.